Ganacsade Cabasho Ka Muujiyay Badeecad Uu Sheegay In Dekedda Berbera Lagaga Xanibay

0
586

Picture1Hargeysa(Geeska):-Ganacsade Daahir Xusseen Xasan ayaa cabasho xoogan ka muujiyey Maamulka iyo shaqaalaha Dekada Magaalada Barbera oo uu sheegay in uu kala kulmay tacadi iyo dhibaato aad u badan xili uu dakadaasi kala soo baxaayey badeecad u taalay. Daahir Xusseen Xasan oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, isagoo Berbera jooga ayaa sheegay in uu badeecadii u taalay dakada uu ka bixiyey waxii cashuur lagu lahaa iyo sida oo kale khidmada ay dakadu ka qaado ganacsatada,balse markii aan is idhi baa uu yidhi badeecadaada kadinka kala bax ay shaqaalaha dekadu qabsadeen alaabtii uu gaadiidka ku raray,waxaana uu sheegay in aanu ilaa hada aanu garanayn sababta Baddeecadiisa loo haysto. “Aniga oo uu magacaygu uu yahay Daahir Xusseen Xasan oo ah nin ganacsade ah waxaan ka cabanayaa oo aan Allaabo kala baxaayey Dakada Berbera muddo ilaa imika illaa Sabtidii iyo imika oo Arbaca ah,markaa badeecad baan ka cashuurayey Koontiinar  iigu jirta deedna hawl fara badan ayaa ay igu qaadatay aniga oo badeecadayda Cashuuraayey ka bacdina markii aan badeecadayda aan cashuuray oo aan ka raraayey oo lacag farabadan oo 90-million ah oo aan Kastamka ku shubay , khidmadii dekadena bixiyey ,waxaa ila kulantay badeecadayda markii aan is idhi kadinka ka sii daa oo meesha ha kaaga baxdo ayaa kadinkii laygu qabsaday,waxaana I qabsaday shaqaalaha dakada qaar ka mid ah,mana garanaayo sababta ay ii qabsadeen oo waxaan u arkaa tacadi oo in laygu tacadiyaayo”.Ayuu yidhi Daahir Xusseen Xasan.

Ganacsade Daahir Xusseen Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa  sheegay in uu arrintan uu kala hadlay Maareeye ku xigeenka Dakada Berbera,waxaana uu carabka ku dhuftay in uu Mareeye ku xigeenku uu ugu jawaabay in Allaabo aan Cashuurnayn laga baadhayo badeecada dhexdeeda,isaga oo ganacsadahani uu carabka ku adkeeyey in baddeecadu ay muddo todobaad ah ay taalay Dakada gudaheeda cadaymo buuxana uu u hayo in uu soo bixiyey waxii ku waajibay ee Cashuur ah,waxaan uu yidhi: “ markii sidaasi igu dhacday ayaa waxaa aan u tagay Mareeye ku xigeenka dakada oo aan ku idhi Allaabtaydii kadinka ayaa lagu haystaa,Cashuurtii iyo dakhligii dawladana waan iska bixiyey,serviskii dekedana waan iska bixiyey, Xamaalkii daka waan bixiyey ,badeecadayduna kadinka ayaa ay taagan tahay,deedna waxaa uu igu yidhi waa la hubinayaa,deedna waxaan ana ku idhi hadii waxayga la hubinaayo todoba cisho ayaa ay Baddeecadaydu ay taalay Dakada ee maxaa loo baadhi waayey,waxaanan ku idhi maareeye waxaasi waa tacadi waxa imika laybaadhayaa oo waxa todobada cisho layga heli waayey maxaa hada layga helayaa,waxaana uu iisheegay in layga baadhayo waxaan cashuurnayn waanan u sheegay in ay waxaygu ay cashuuran yihiin cadaymana aan sito, saacadana alaabtii dhulka ayaanu dhignay”.

Ugu danbayntii Ganacsade Daahir Xusseen Xasan waxaa uu si xooga uu walaac uga muujiyey in uu khasaare xooga uu kala kulmo Baddeecadiisu in ay dib uga dhacdo maalinta Ciida,waxaana uu si kulul ugu eedeeyey Maamulka Dakadu in ay muddadii ay dakada ku jireen ilaa maanta ay marwalba Alaabtooda dib udhac ay ku hayeen taasi oo sababi kartabaa uu yidhi in ay si xooga uu u khasaaro badeecadiisa hadii ay seegto maalmaha Ciida.

“Waxaan kale oo aan ka cabanayaa oo aan kala kulmay dakada iyada oo ay tahay Xili ramadaana oo ay soo dhawdahay munaasibadii ciidu ay dib udhac fara badan nagu hayaan oo badeecadayadii ay khasaare fara badan ay keenayso hadii aan ciida laga soo gaadhsiin,badeecadaaduna hadii afartaa cisho ee ka hadhay ciida aan laga soo gaadhsiin aan gabigeedaba nalaga iibsan oo aanu halkaas ku khasaarno oo aanan safar danbeba diri Karin oo badeecadayadiiba khasaarawdo ,sidan dee dadka loo galayaana waa si aan dee dadku aanay dib u soo noqon “.