Suuqyada Hargeysa iyo Maalmaha Iida

0
594

Hargeysa  (Geeska)-Suuqyada  kala duwan ee Magaalada Hargeysa , gaar ahaan Suuqyada  Waaheen iyo Gobanimo oo ah Suuqyada  ugu balaadhan Magaalada Hargeysa, ayaa si weyn looga dareemaya u diyaar garawga Maalinta Iida oo ay ka hadhsan yihiin Maalmo kooban.

Marka aad marayso Suuqa, gaar ahaan Goobaha lagu iibiyo Dharka, waxa aad ku arkaysa dad aad u fara  badan oo u badan Caruur  doonaya Dharkii ay ku iidi lahayeen halka intooda badan Waalidkood la socdaan, isla markaana u iibinaya. 

Dhinaca kale Gaadiidka kala duwan ayaa mararka qaar heli kari waaya ama dirqi ku mara Waddooyinka, iyada oo xittaa Goobihii Waddooyinka ahaa ee loogu talagay inay maraan Baabuurtu lagu iibiyo Dharka,  Inta badana Iidani Ramadaan waa Iida ugu mashquulka badan marka loo eego Labada Iidood ee dadka Muslimiinta ahi leeyihiin. Dhanka kale iyada oo ay jiraan Caruur fara badan oo iyagu si fiican u iidaya, Dharka Iidana soo iibsaday, aadna u faraxsan ayaa waxa sidoo kale jira iyana Caruuro badan oo suuq joog ah, isla markaana aan helin wax daryeel ah, oo Gidaarada u hoyda Habeenkii, Dharkii Iidana aan awoodi kari inay iibsadaan, isla markaana facooda la farxaan.