Cadho Ka Dhalatay Gabadh Caddaan Ah Oo Wiil Yar Oo Madow Ah Sida Eyda U Quudinaysa

0
673

Jonesburg (Geeska)- Urur samofal oo ka shaqeeya quudinta carruurta yaryar ee dalka Koonfur Afrika ayaa raalli gelin rasmi ah ka bixiyey filim xayeysiis ahaan loogu talo galay oo muujinaya gabadh caddaan ah oo ilmo yar oo madow ah u quudinaysa qaab  u eeg sida ay dadka guryaha eyda ku dhaqdaa u quudiyaan eyda. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa intaas ku daray in cajaladdan maqal iyo muuqaalka ah oo ay cunsuriyad badani ka muuqato uu ka soo baxayo wiilkan yare e madowga ah oo si dullinimo ka muuqato u hoos fadhiya miis cunto oo ay gabadh caddaan ahi cunto ku dul cunayso, kadibna kolba inta ay gobol yar oo cunto ah soo qaaddo afka ugu gelinayso si aan qurux badnayn.

Waxa kale oo filimkan ka muuqda gabadhan caddaanka ah oo inta ay faraheeda ku masaxdo cunto ku soo hadhay mindi ay wax ku jarjaraysay kadibna inanka yar u ogolaanayso in uu faraheeda ka leef-leefo. Iyada oo xagga hoose ee filimkana ay ku qoran yihiin ereyo macnahoodu yahay, “Eyda guryaha joogta ayaa cunta cunto ka fiican ta’ ay helaan Malaayiin carruur ahi” xayeysiiskan loogu talo galay qaadhaan ururinta ayaa si dhaqso ah loo joojiyey markii bar-kulannada bulshada ee internet ka iyo warbaahinta kala duwan ee dalka Koonfur Afrika ay sii daayeen warar iyo doodo adag oo lagu dhaliilayo cunsuriyadda ka muuqata sawirkan iyo sida ay gabadha caddaanka ahi u xaqirayso wiilka yar ee madowga ah.