Shax Muujinaysa Heerarka Uu Tiro Ahaan Cudurka AIDS Ka Marayo Dunida Tan Iyo Markii Uu Bilowday (2)

0
763

Geneva (Geeska)- Warbixin sannadeedkii 2014ka ee hay’adda la dagaallanka AIDS u qaabilsan Qaramada Midoobey oo magaceeda loo soo gaabiyo UNAIDS ayaa lagu soo bandhigay shax muujinaya tirooyinkii u dmabeeyey ee la xidhiidha faafitaanka ama tirada dadka uu dunida ka helayo cudur-sidaha HIV ee dhaliya AIDS. Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadiisan oo tii 2aad ah maanta ku soo qaadanayaa intii ka hadhay shaxdan UNAIDS ay ku muujisay xogo muhiim ah oo la xidhiidha cudurka HIV/AIDS sannad kasta laga soo bilaabo markii ugu horreysay ee dunida lagu arkay oo ahayd 1981kii:

– Sannadkii 2013ka 35 Milyan oo qof ayaa la noolaa cudurka HIV, tiradaasi waxa ay ka badan tahay dadkii sannadkii 2001da qabay HIV oo tiradoodu ka yarayd 30 Milyan.

– Boqolkiiba 71 dadka qaba cudur-sidaha HIV waa dadka ku nool dalalka ka hooseeya Lama-degaanka Afrika (Sub-Saharan Africa; Afrikada madow oo ah dalalka Afrika oo dhan marka laga reebo dhowrka dal ee woqooyi Afrika).

– Ill hadda cudurka Qaaxada (TB) ayaa ah sababta koowaad ee ay u dhintaan dadka qaba cudurka AIDS ku, sannadkii 2012ka oo keliya waxaa dunida Qaaxo ugu dhintay 320 kun oo ruux oo qabay AIDS.

– Maanta 12.9 Milyan oo ruux oo ah dadka qaba cudurka AIDS ee u dhashay dalalka faqiirka ah iyo kuwa dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay ayaa awood u leh in ay helaan dawooyinka lagula tacaalo cudur-sidaha HIV, taas oo ka aad uga badan tiradii sannadkii 2005tii oo ahayd 1.3 Milyan oo ruux.

– Qaramada Midoobey waxa ay dhigatay hal-beeg ah in sannadka 2015ka kawada cudurka HIV/AIDS ay helaan 15 Milyan oo ruux, laakiin nasiib darro tiradan  waxa ay aad uga yar tahay tirada dadka u baahan in laga daweeyo cudurkan oo iyagu gaadhaya illaa 28 Milyan oo ruux.

– Qaramada Midoobey waxa ay sheegaysaa in marka la gaadho sannadka 2015ka, ka hortagga iyo la dagaalanka cudurka AIDS ay u baahan doonto lacag dhan 22 illaa 24 Bilyan oo doolar.

– Dunida maanta waxaa cudur-sidaha HIV qaba dad tiradoodu dhan tahay 35 Milyan oo qof, laakiin nasiib darradu waxa ay tahay in 19 Milyan oo dadkaas ka mid ahi aanay ogeynba in cudurkani uu hayo. (Qofka oo cudurkan qaba balse aan isku ogeynin waxa ay keenaysaa cudurka oo uu dad kale u sii gudbiyo iyo daryeelkii waajibka ahaa ee caafimaad oo aanu helin, sidaa awgeed uu cudurku si yaryar u cuno”

– Afartii qof ee cusub ee uu cudur-sidaha HIV ku dhaco dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya mid ka mid ah ayaa ah gabadh da’ yar ama inan.

– Dadka maxaabiista ah ayaa ugu nugul cudurrada HIV, Qaaxada iyo noocyada Jooniska ee B iyo C, marka la barbar dhigo dadka kale ee aan maxaabiista ahayn.