Deg Deg: Saado Cali Warsame Oo Xamar Lagu Dilay

0
714

UntitledMuqdisho (Geeska)-War deg deg ah oo hada naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd dil toogasho lagu dilay xildhibaan Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd xildhibaanada haweenka ee baarlamaanka Soomaaliya haweenka u matala.

Xildhibaanm Saado Cali Warsame ayaa la sheegay inay dileen koox hubsan oo baabuur ku hor geeyey gaadhiga ay marxuumadu wadatay.

"Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa isku hor-gooyay gaari ay la socoday xildhibaannada, waxaa lagu furay rasaas, isla goobta waxaa ku dhintay xildhibaannada iyo qof la socday," sidaasi waxaa tidhi haween goob ganacsati ku haystay nawaaxiga jidka Makka Al-Mukarama.

ilaa hada ma jirto cid sheegatay dilka Xildhibaan/Fanaanada Saado Cali Warsame

 

Allaha u naxariisteen xildhibaanad, Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd xubnaha haweenka ah ee baarlmaanka Soomaaliya ku jira ayaa goor dhow lagu toogtay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadan ayaa waxaa la sheegay inay toogteen dambley gaari watay, kuwaasoo isku hor-gooyay gaari ay wadatay dabadeedna toogtay iyada iyo ruux la socday, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xildhibaanad haweeney ah oo baarlamaanka ka tirsan lagu dilo Muqdisho.

"Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa isku hor-gooyay gaari ay la socoday xildhibaannada, waxaa lagu furay rasaas, isla goobta waxaa ku dhintay xildhibaannada iyo qof la socday," ayay tiri haweeney ganacsi ku haysata agagaarka Tree Piano

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/July/wararka_maanta23-47548.htm#sthash.Y7RTs51E.dpuf