“Waxaan Leeyahay Waynu Isa Saamaxnay, Colaadii Dhacday Waynu Ka Soo Gudubnay, Waxa Aan Ku Baaqaya In La Kala Daayo Faanka Iyo Baroorta”

0
614

Picture7Hargeysa (Geeska)-La taliyaha Madaxweyna ee Gobolada Beri Fu’aad Aadan Cadde ayaa ka hadlay Gobolka Xaysimo ee dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland magacaabay, isaga oo soo dhaweeyey, sheegayna in Gobolkaasi yahay Gobol muhiim ah oo u soo kordhay Somaliland, balse waxa uu carabka ku dhuftay in laga tagay Degmada Shaxda oo uu tilmaamay inay tahay Degmada ugu muhiiimsan, ee Gobolkaas. waxaanu aqoon daro ku tilmaamay in laga tago Degmadaas.

La taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Beri Fu’aad Aadan Cadde oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Cali Khaliif Galaydh iyo Aaskii Garaadka ee uu dhawaan ka soo qeyb galay.

La taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Beri Fu’aad Aadan Cadde ayaa sidoo kale sheegay in dadka reer Somaliland yihiin dad isku mid ah, oo wax wada qabsaday, isla markaana isa saamaxay, waxaanu ku baaqay in la iska daayo hadalada dhibta keeni kara, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Bil kheyr qabta ayeynu ku jirnaa, gaar ahaan Tobankii dambe, Somaliland waa Nimco, balse Gobolada Galbeedka gaar ahaan Gobolka Awdal ayaa  laga soo yar sheegaya Abaar, Abaartaasna waxa aan ILLAAHAY uga baryeynaa inuu Nimco ugu badalo, marka intaas laga yimaado Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waan ku amaanaya, waana ku bogaadinaya inuu magacaabo Gobolka Xaysimo, Magaalo Madaxna uu uga dhigo Taleex oo aynu ognahay Taariikhada faca weyn ee ay leedahay, waana Gobol u soo kordhay Somaliland, laakiin Degmooyinkii uu u magaacabay, ayaa waxa uu ka tagay Degmadii ugu muhiimsanayd, ee dhinaca Xuduuda xigtay, taas oo aan odhan karo waxa keentay aqoon daro iyo tashi la’aan, aan lala tashan dadka Gobolka ka soo jeeda, waxaanse leeyahay wax walba oo la khaldaa waxa ay u baahan yihiin in dib loo saxo, haddana dib ayaa loo sixi kara, loona magacaabi kara, waxaana Madaxweynaha ka codsanaya inuu Shaxda u magaacabo Degmo , maxa yeelay Shaxda waa meel Istaraatijiya, oo ay degan yihiin dad reer Somaliland ah, Taariikh qadiimiyana leh”.

La taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Beri Fu’aad Aadan Cadde mar uu ka hadlaayey Cali Khaliif Galaydh waxa uu yidhi “Cali Khaliiif Galaydh, ka soo qeyb galka uu ka soo qeyb galay Aaska Garaadka, maaha in wax kale laga soo saaro, si kalena loo turjumo, waxa uu yimid Aaskii Garaadkiisa, Garaadkan geeriyoodayna, waa Garaadkii Cali Khaliif Galaydh, waa Garaadkaygii, waana Garaadkii reer Somaliland, oo guud ahaan ka baxay Umadda reer Somaliland, ILLAAHAY-Na waxa aanu uga baryeynaa inuu Jannadii ka waraabiyo”.

La taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Beri Fu’aad Aadan Cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaynu nahay dad isku mid ah, waxayna nahay dad wax wada qabsaday, waxa aynu nahay dad dal dhistay, oo meel sare hiigsanaya, cid iyo reer aan wax laga dilin ma lihin, reer aan la layn oo aan wax laynini ma jiro, waxaan leeyahay weynu isa saamaxnay, colaadii dhacday weynu ka soo gudubnay, waxa aan ku baaqaya  in la kala daayo Faanka iyo Baroorta, waxa aan soo jeedinaya in la kala reebo Caalamka la is tusayo ee ah  Mujaahid ayaan ahaa, oo dalka waan u soo halgamay, oo dadkii dadkayga laayeey waan ka aarsaday, oo waan laayeey iyo Baroorta laga barooranayo Xabaalaha dushooda, oo kolba la soo faqayo Xabaalo isla markaana la odhanayo waa dadkaygii xasuuqa loo geystay ee  lala laayey, caadifadana la iska joojiyo.”