Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Iyo Guddoomiye Cirro Oo Kulan Gaar Ah Yeeshay

0
622

Picture6Djibouti(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele, ayaa shalay gelinkii dambe qaabilay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Kulankaas oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Djibouti, ayaa ahaa mid ay isu keliyaysteen Madaxweyne Geele iyo guddoomiye Cirro, waxaanay si faahfaahsan uga wada hadleen xaaladaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan gobalka Geeska Afrika, waxaana la sheegay inay si gaar ah uga wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti.

Kulanka oo aanay labada dhinac wax war ah ka soo saarin, ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu guddoomiye Cirro safar ku tagay wadanka Djibouti oo lagu martiqaaday inuu kaga qayb galo xaflad meher ah oo lagu bixinayo gabadh uu dhalay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele.

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, oo doorashada madaxtooyada u tartami doona xisbiga Waddani, lana filayo inay loolamaan Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xidhiidh wanaagsan la leh wadamada jaarka iyo beesha caalamka.