Xidhiidhkii Dawladda Somaliland Iyo Qaramada Midoobay Oo Soo Noqonaya Iyo Danjire Nicholas Kay Oo Ay Xukuumadu Hargeysa Ku Martiqaaday

0
564

UntitledHargeysa(Geeska)-Qaramada Midoobay iyo dawladda Somaliland ayaa mar kale soo celiyay wada shaqayntii ka dhaxaysay, oo luntay sannadkii hore ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo diiday inuu xafiiska UNSOM ee Nicholas Kay ka hawlgalo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.Diiditaanka in xafiiskaasi ka shaqeeyo gudaha Somaliland, ayaa wuxuu sababay in xafiiska Hargeysa ee UNSOM aanu wax shaqo ah qabanin, kaas oo wakiil u ah danjire Nicholas Kay oo uu fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, waxaana labada dhinac u bilaabmatay markaas xurguf diblomaasiyadeed oo ka dhalatay go’aanka ay Somaliland ku sheegtay inaanu xafiiskaasi ka turjumayn danaha qaranka Somaliland. Hase yeeshe tan iyo wixii ka dambeeyay kulan magaalada London laba bilood ka hor ku dhex maray Wasiirka khaarajiga Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo danjire Nicholas Kay, waxa la dareemay in xidhiidhkii labada dhinac soo roonaaday. Dawladda Somaliland ayaa danjire Nicholas Kay ku martiqaaday inuu yimaado magaalada Hargeysa, ka dib markii sida la sheegay ay isla saxeen qodobo ay Somaliland dareen ka qabtay oo xafiiska UNSOM khuseeya. Mr. Kay, ayaa aqbalay martiqaadkaas, waxaana la filayay inuu badhtamaha bishan Ramadaan Hargeysa yimaado, waxase la sheegay inuu u baaqday safarka Madaxweyne Siilaanyo uu dibadda ugu baxay.

Sida uu warku sheegay waxa la filayaa in ergayga Qaramada Midoobay Mr. Kay uu Somaliland socdaal ku yimaado marka uu Madaxweyne Siilaanyo dalka dibadiisa ka soo noqdo. Mr. Nicholas Kay, ayaa marka la eego hadalada sida tooska ah looga soo xigto, wuxuu iska dhawraa inay ka soo baxaan hadalo uu si toos ah ugu dirayo Somaliland iyo xukuumadeeda, waxase haddana la ogyahay inuu mar walba dagaalo diblomaasiyadeed ku hayay Somaliland. Dhawr jeer ayuu fadhiyada golaha ammaanka ka sheegay inuu xafiiskiisa Hargeysa xayiranyahay ka dib markii ay dawladda Somaliland diiday inuu ka hawlgalo, waxaanu mudadaas uu xilka hayay uu Hargeysa ku yimdi safar keilya.