Ma Dhabaa In Dr. Maxamed Cabdillaahi Isu Sharaxayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE?

0
532

Picture6Hargeysa(Geeska)-Warar aan la xaqiijin oo soo baxay ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, uu isu sharaxayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, oo uu wakhtigan hayo Md. Muuse Biixi Cabdi.

Si rasmi ah looma oga qorshahan iyo sida uu sharciyan u hirgeli karo maadaama oo guddoomiyse Muuse Biixi dhawaan si rasmi ah loogu doortay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Laakiin qaar warbaahinta ka mid ah ayaa dhawaan baahiyay in Dr. Maxamed Cabdillaahi, uu shir doceed gaar ah guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ugu soo jeediyay inuu iska casilo xilka guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, marka la gaadho shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, maadaama oo laga reebay tartanka murashaxnimada madaxweynaha ee doorashada dambe. Dr. Maxamed iyo Muuse midkoodna warkaas kama uu hadal. Wararkani waxay sheegayaan in Dr. Maxamed Cabdillaahi, ku taamayo inuu bedelo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, haddii uu Muuse aqbalo inuu iska casilo guddoomiyenimada xisbiga marka bisha dambe shirka golaha dhexe ee xisbiga la isugu yimaado. Dr. Maxamed Cabdillaahi, oo aanu xalay isku daynay inaanu mawduucan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Hase yeeshe waraysi uu toddobaadkii hore Geeska Afrika la yeeshay ayaa wuxuu Dr. Maxamed Cabdillaahi, ku sheegay inuu Muuse Biixi la leeyahay xidhiidh adag oo saaxiibtinimo iyo masuuliyadeedba. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa xilkiisii wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga ku waayay taageero uu u muujiyay murashaxnimadii uu guddoomiye Muuse Biixi ku dhawaaqay ee sababtay in Madaxweyne Siilaanyana dagaal siyaasadeed kala horyimaado. Waxaanu Maxamed Cabdillaahi, xilkiisii ku waayay aragtidiisa siyaasadeed ee shakhsiga ah.