Xildhibaan Nacnac Oo Si Adag Ugu Jawaabay Guddoomiye-xigeenka Xisbiga Mucaaradka Ee Waddani

0
501

Picture5Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee ka soo jeeda xisbiga KULMIYE, ayaa Xukuumadda ka difaacaya eedo ay u soo jeediyey qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Xisbiga Waddani iyo Guddoomiye ku xigeenka Waddani, eedahaas oo ahaa in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland aanay dalka xukumin, waxaanu sheegay in eedahaasi waxba kama jiraan yihiin.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa isaga oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, sidoo kale sheegay in Xukuumaddu wax badan qabatay, oo Xisibiga Waddani aanu ku la tartami karin Xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi “Madaxda Xisbiga Waddani waxa baryahan laga soo tagay Wadanka cid kale ayaa xukunta, ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku ma xukumaan, taasi waa arin aad iyo aad u qadhaadh, waa habaar waana meel ka dhaca,  waxaan leeyahay dalka waxa xukuma Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay, waad arkaysaan in Raggii dalka xukumayeey isbadalka ay sameeyeen, haddii aanu anagu Kulmiye nahay wixii aanu ololaha  ku geli jirnay waanagaas keenay, Waddooyinkii waanagaas dhisnay, Darajooyinkii waanagaas sameeynay, wax walbana waanagaas hagaajinay, sidii si ka fiicana u hagaajinay, ee idinku waxaad leedihiin oo qudha Wadankii wuu baabay ee waxa loo baahan yahay in laga tashado,  ee bal qodob la taaban karo, oo la sheegi karo noo sheega, haddii aanay taasi jirina caydu wey inagu xun tahay, habaarkuna ma wanaagsana ee aynu iska dayno”.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), mar uu ka jawaabayey eedo Xukuumadda ku saabsan oo dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani; bal adigoo ahna guddoomiye xigeenka, ahna murashaxa madaxweyne-xigeenka, marka aad soo dhameeysto Musharaxnimaada Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Waddani dhexdiisa, markaas ha inoo ahaato, dalkana waxa xukuma Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, arintii aad ka lahayd arrimaha dibadana wey inaga xumaatay, wax inaga xumaaday ma jiraan, waxa aynu nahay dalka aan wali la ictiraafin, dal haddii uu xuduudiisa xidhana, nabadgeliyadiisa u xidhana, maaha Siyaasadii Arrimaha Dibada ayayanu ka hadhnay, Wadan walbaaba wuu xidhan karaa, oo xitta inag ayaa  xidhan karnaa, waana taas imika la furayo, mana aha  in la yidhaahdo Somaliland ayaa ka gaabisay Siyaasadii Arrimaha Dibada, Wasaaradda Arrimaha Guduhuna si aad u fiican ayey u shaqaynaysaa”.

Xidhilbaan Nacnac oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xisbigiina Waddani ee leh Kulmiye ayaanu isku dhererinaynaa, bal waxa aad qaban doontaan Umadda u sheega, laakiin dalka hebel ma xukumo iyo hebel ma xukumo waxa la idinka qaadan karo maaha, Guddoomiye ku xigeenka Waddani iyo Xildhibaanada waxaas ku meeraysta waxa aanu leenahay walaalayaal hadalka xumi waa ceeb, hadalka xumi diif ayuu leeyahay, Adduun weynaha ayaa la inaga maqlayaa, qofku waxa uu sheegi kara, balse habaarka ayaan wacnayn, in qofka nool oo taagan oo caafimaada qaba in la yidhaahdo ma xukumi karo maaha, taasna meesha ka saara”.