Fanaanada Saynab Laba Dhagax Oo Fankii Ka Baxday

0
825

HargeyPicture4sa(Geeska)-Fanaanada caanka ah ee Saynab Laba-dhagax ayaa cadaysay inay ka fadhiistay hawshii fanka iyo heesaha ee ay ku dhex jirtay, ka dib markii bishan Ramadaan gudaheeda go’aan gaadhay.

Saynab, ayaa qoraal kooban oo ay toddobaadkii hore soo dhigtay barta ay ku leedahay Facebook, waxay ku sheegtay inay si rasmi ah u joojisay hawshii fanka, balse ay 2 August ka qayb geli doonto bandhig aroos oo ay hablo dhallinyaro ah hore ugu balan qaaday inay u heesi doonto, “Asc Walalaaha iyo Asxaabta Waan Idin Wada Salaamaya Waxaana idinku Salaamay Salaanta Muslimka, Wax baa Ii Nuuray Ramadaankaan Go'aan igu adkaa ayaan Qaatay Maanta, Hase yeeshee Mar Horena aan Qaatey laakiinse aan Jabiyey, Ilaahbaa ii Fududeeyey oo Mahada leh, Qofkastaa oo Muslim ahna Waxaan Ilaah Uga Baryaya inuu Dhanka Kheyrka uu Waafajiyo, Aamiin. Arintii Ku Saabsaneyd Shaqdeyda Dhanka Community Services ka ee Heesaha Xafladaha/Show/Concert/ Aroosyada Waan Joojiyey, Hal Aroos, All Girls Baan Balan Qaadey Mar Hore 2 August, Bacdal Ramaaan, Kaas Baa igu Dambeeya Insha Alah. Ilaaahna ha ii Adkeeyo, Aaaamiiin.” Sidaas ayay ku tidhi Saynab Laba-dhagax oo degen dalka Kanada, qoraalka kooban ee ay ku cadaysay inay fankii si rasmi ah uga dhex baxday.