Toddoba Guulood Oo Ay Falastiiniyiintu Ka Soo Hooyeen Dagaalka Qaza

0
624

Picture3Hargeysa (Geeska)- Waxaa weli socda weerarkii arxan darrada ahaa ee ay ciidamada Yuhuuddu ku qaadeen maringa Qaza ee Falastiniinta, weerarkan oo hadda ku jira wejigiisii labaad oo ahaa gudo-galka ciidamada lugta ee Yuhuudda ayaa llaa hadda waxaa la tirinayaa in ay ku shahiideen in ka badan 5 boqol oo ah Falastiiniyiin boqoliiba 80 ka mid ahi ay ahaayeen dad rayid ah oo u badadn carruur, halka ay ka dhaawacmeen in ka badan 2 Kun oo qof. Israel Milateri ahaan iyo diblumaasi ahaanba aad ayaa ay uga awood badan tahay dalal badan oo dunida ku dhaqan, iyo si gaar ah Falastiiniyiinta marinka Qaza ee dagaalku ka socdo, sidaa awgeed waa arrin la iska garan karo in mar kasta khasaaruhu uu ku badanayo dhinaca Falastiiniyiinta, shacabka iyo dhinaca ururrada wax-iska-caabbinta wada labadaba, laakiin haddana awoodda ay leedahay iyo farqiga weyn ee u dhexeeya labada dhinac awgeed mar kasta oo khasaare uu gaadho Israel inkasta oo uu le’eg yahay waxa uu canbaar ku noqonayaa sumcaddeedii iyo sarrayntii ay sheeganaysay, waana sababta dagaalka hadda ee Qaza ay dad badani u saadaalinayaan in illaa hadda ay Israel guul darro badan kala kulantay.

Weerarka Qaza ayaa ay dadka istaraatijiyadda dagaalka falanqeeyaa aaminsan yihiin in illaa hadda ay kooxaha wax-iska-caabbintu muujiyeen guulo dhowr ah oo dhirbaaxo ku ah sarraynta Israel ay doonaysay, guulahaas oo aan dhicin weerarradii ay Israel sannadihii hore sidan oo kale ugu soo qaadday Qaza ayaa aynu ku soo ururinaynaa kuwan:

1. Ururrada wax-iska-caabbinta guud ahaan iyo si gaar ah ururka Xamaas waxa ay ku guulaysteen in ay sanceeyaan nidaam gantaalo oo riddadoodu gaadhayso illaa 120 kilomitir, isla markaana aad uga Liishaan-san gantaalihii ay hore Falastiiniyiintu ugu gani jireen dhinaca Israel, isla markaana xaddiga walxaha qarxa ee ay gantaalahani xambaarayaan ayaa ka badan kana khatarsan kuwii hore. Gantaalahan oo ay Israel fahamsantahay in ay aad uga khatarsan yihiin kuwii hore waxa ay gaadheen gudaha magaalada Tel Aviv ee xarunta Israel, waxa aanay qasbeen in qiyaas ah 6 Milyan oo reer Israel ahi ay galaan gabbood loogu tala galay in laga galo. Arrintani waxa ay kharash xad dhaaf ah ku haysaa xukuumadda Israel, waxa ay sidoo kale keentay khalkhal badan oo dhinaca dhaqaalaha ah maadaama oo gantaalaha xad dhaafka ahi ay meesha ka saareen waqtigii ay dadku firaaqada u heli lahaayeen in ay ganacsigooda ka shaqaystaan.

2. Garabka hubaysan ee ururka Xamaas ayaa ku guulaystay in uu nolosha ku soo qabto hal askari oo ka tirsan ciidamada Israel, arrintani waxa ay weji gabax ku noqotay dowladda Israel oo ciidamadeedu si aad u heer sarraysa u tababaran yihiin, waxa aanay muujisay in awoodda wax-iska-caabbinta ee ka hor imanaysaa ay tahay mid aan la dhayalsan karin. Askarigan la qabtay waxa uu rajo geliyey Falastiiniyiinta, gaar ahaan kuwooda maxaabiista laga hayo oo og in haddii aanu dhiman, ay Falastiiniyiintu maxaabiis aad u badan dhaafsan doonaan, waxa aanu cabsi ku abuuray ciidamada Yuhuudda oo ka baqo qaba, haddii ay dagaalka lugta ee Qaza ku sii socdaan in khasaare kale oo dheeraad ahi soo gaadho, suurtogalna ay tahay in askar kale laga qabto.

3. Kooxaha wax-iska-caabbinta ee reer Falastiin waxa ay ku guulaysteen in ay Israel ka galaan dhinaca badda, berrigga iyo hawadaba, waxaana dunida oo dhan mucjiso ku noqotay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Xamaas u dirtay gudaha Israel oo soo qaaday sawirro aad u xasaasi ah, sidoo kale doonyo kuwa dheereeya ah oo ay wadaan kooxo lagu magacaabay “Raha aadamaha ah” ayaa ay Xamaas u dirtay gudaha Israel, dhinaca barrigana garabka hubaysan ee xamaas ayaa adeegsaday gantaallo uu illaa hadda si muuqda ugu wax-yeellayn karo dabaabadaha casriga ah iyo baabuurta gaashaaman ee Israel.

4. Taliska sare ee Xamaas iyo hoggaamiyeyaasha kala duwan ayaa iyaguna si ka duwan sidii hore u dhici jirtay waxa ay  markan ku guulaysteen in aanay talada hoggaaminta iyo qorshaynta dagaalku farahooda ka bixin, waxa ay samaysteen goobo aamin ah oo si qarsoodi ah ay uga maamuli karaan uguna ilaalin karaan masuuliyiintooda sare. Sidii hore u dhici jirtay illaa hadda Israel kuma ay guulaysan in ay garaacdo goobaha hagidda iyo isku-xidhka dagaalka wax-iska-caabbinta goobahaas oo muhiim ah, la’aantoodna aanay kooxaha wax-iska-caabbintu dagaalka si awood leh u wadi kareen. Dhinaca kalana diyaar-garowgan aanay Israel ka sii warqabin waxa uu meesha ka saaray khasaarihii xad dhaafka ahaa ee dagaalladii hore ay Israel gaadhsiisay masuuliyiinta sare ee kooxaha wax-iska-caabbinta Falastiiniyiinta.

5. Xeel-dheerayaasha ka faallooda arrimaha dagaalku waxa ay aaminsan yihiin in dagaalku sida uu u socdaa ay muujinayso in Israel ay ilaa hadda gaadhi la’dahay guul ay sheegato oo aan ahayn in ay disha dad rayid ah, waxaana ay ku hungowday ujeedadii dagaalka ay ugu marmarsootay ee ahayd in ay burburinayso awoodda gantaalaha ee Falastiiniyiinta si ay dadkoodu ammaan uga helaan.

6. Israel waxa ay illaa hadda la dhibban tahay dhibaato dhinaca Sirdoonka ah oo ka haysata gudaha Qaza iyo meelaha ay tahay in ay beegsato, arrintan oo sababaha keenay ay ugu weyntahay Falastiiniyiinta oo iyaga oo ka faa’idaysanaya waayo-aragnimadii hore ku guulaystay in ay cidhib tiraan shabakadihii basaasiinta ahaa ee meelaha muhiimka ah iyo hay’adaha muhiimka ah ugu jiray Israel, kuwaas oo la aaminsan yahay in ay bixin jireen xogta ay Israel ku beegsanayso dadka muhiimka ah iyo goobaha ay hubka dhigtaan ama ka soo ridaan kooxaha wax-iska-caabbintu. Dadka arrimaha dagaalka ka faallooda ayaa weerarrada Israel ku tusaaleeye kuwo indho la’aan ah oo maadaama oo aanu sirdoon hagayn ay adag tahay in ay noqdaan midho dhal. Israel intii uu dagaalku socday illaa hadda ma’ay gubin hal kayd oo hub u yaallo kooxaha wax-iska-caabbinta.

7. Kooxaha wax-iska-caabbinta oo ay dalalka reer galbeedka, dowladaha Khaliijka iyo dalka Masar dadaal adag ugu jireen in ay kala jaraan iyaga iyo dadka shacabka ah si gaar loogu faquuqo, aakhirkana loo awood tiro, ayaa dagaalkan hadda ka faa’iday shacbiyad aad u badan. Shacabka reer Qaza ayaa u arkay in garabka keliye ee ay leeyihiin uu yahay kuwaas laabta u dhiganaya rasaasta ay ciidamada Israel ku soo ridayaan, waxa aanay gaadhay heer shacabka reer Qaza iyaga oo aan hubaysnayn ay diidaan in ay banneeyaan meelaha ay Israel ku amarto in la banneeyo, iyaga oo taas kaga hor tagaya in meel cidlo ah laga helo mujaahidiinta wax-iska-caabbitna wada ee Falastiiniyiinta. Waxa cirka isku shareeray taageerada ay dadku la garab taagan yihiin kooxahan gaar ahaan garabka hubaysan ee ururka xamaas oo lagu magacaabo Al-Qasaam.

8. Dagaalkani waxa uu gudaha Israel ka abuuray jaahwareer siyaasiya iyo cadho dadweyne oo aad u badan, sida muuqata qorshaha Israel waxa uu ahaa in Qaza la garaaco maalmo aan badnayn, kadibna la sameeyo xabbad joojintii Masar wadday oo imika la fashiliyey in Israel ay hoos u soo diyaarisay, kooxaha wax-iska-caabbinta oo heshiiskaas Masar la soo mariyey ee Xabbad joojinta ah diiday waxa ay keentay in dagaalkii sii socdo khasaarihiisiina ku sii bato Israel oo illaa hadda la aaminsan yahay in askarta ka dhimatay ay ka badan yihiin 20 iyo dhaawaca oo ay Israel qirsan tahay in ay 200 gaadheen, iyo weliba hal askari oo nolol lagaga qabtay. Waxaa gudaha Israel ka soo baxaya in hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa Milateriga uu mid kastaa kan kale ku riixaya masuuliyadda waxa dhacay, kana cago jiidayo tallaabo kasta oo hadhow loo arko in uu isagu ku fashilmay, taas oo haddii ay sii socoto halis ku ah nidaamka dowladnimo ee Israel.