Cajab Oo Cadeeyay Inuu Sharaxanyahay Doorashada Kal Dambe Ee Baarlamaanka

0
654

Picture1Hargeysa(Geeska)-Cali Maxamed Saalax (Cajab), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu murashax yahay doorashada Baarlamaanka ee la filayo inay sannadka dambe dalka ka qabsoonto. Cajab, oo ah aqoonyahan reer Hargeysa ah, wuxuu sheegay inuu si weyn ugu diyaar garoobay doorashadaas Baarlamaanka, waxaanu sheegay inuu muddo dheer ka dib oo uu arrimaha siyaasadda dusha kala socday uu hadda go’aansaday inuu u tartamo ka mid noqoshada doorashada dambe ee Baarlamaanka, “Waxaan idiin xaqiijinayaa inaan inshaalah doorashada dambe ee baarlamaanka ahay murashax u tartami doona kuraasida golaha wakiilada, waxaanan diyaar u ahay inaan tartankaas ka qayb galo si aan dalkayga wax ugu qabto.” Ayuu yidhi Cali Maxamed Saalax (cajab). Xaflad balaadhan oo lagu

tageerayo murashaxnimada Cali Maxamed Saalax (Cajab) ayaa la filayaa in dhawaan lagu qabto magaalada Hargeysa.

 Muddooyinkii u dambeeyay waxa isa soo tarayay rag tiro badan oo ku dhawaaqay inay yihiin murashixiin doorashadaas u tartami doona haddii Alle idmo.