Taliyaha Booliska Somaliya Oo Lagu Soo Faqay Dunuubtii Uu Galay

0
493

Muqdisho(Geeska)-Taliya Cusub ee dhawaan loo magacaabay Taliyaha Booliska Somaliya General Maxamed Xasan Ismaciil oo ah Shaqsi loo haysto Dambiyo uu Hore uga galay Dalka Somaliya, ayaa hore uga soo baxsaday Dalka kanada ka dib markii ay dacwad ku soo oogeen Muwaadiniin Reer Somaliya ah, oo uu jidh dil u gaystay wakhtigii uu madaxda ka ahaa hay’adii CID-da ee Booliskii Somaliya ee dawladii Siyaad Barre. Ninkan, ayaa waxa  Canada looga haystaa dambiyo ay ka mid yihiin, dil, jidh dil, kufsi iyo boobka hanti umadeed, waxaana la soo bandhigay dacwad ay Kanada hore ugu oogtay, isagoo markii uu ogaaday dacwadaas ka soo baxsaday wadankaas.  Barnaamijkaas lagu magacaabo 5TH ESTATE, oo baxay October 7, 1992, waxaa lagu soo qaatay General Maxamed Xasan iyo laba nin oo kale oo xlligii kacaanka dambiyo waa weyn ka geystay Somaliland. Waxaa sidoo kale barnaamijka lagu warreysanayaa qaar ka mid ah dadkii uu General Maxamed dambiyada ka galay, oo sidii ay wax u dhaceen ka sheekeenaya.

Hase yeeshe Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dambiyada uu sarkaalkani galay iska indho tiray, waxaana loo dhiibay taliyaha Booliska Somaliya.