Danab Dhegta Ka Galay Aabaheed, Kadibna U Gudbay Hooyadeed Ayaa Iyadana Ugu Tegey Uurka Oo Ay Ku Jirtay

0
663

Picture11Washington (Geeska)- Inan yar oo u dhalatay dalka Maraykanka ayaa timaheeda lagu arkay in ay korontaysan yihiin, arrintan oo mucjiso ku noqotay khubarada caafimaadka ee dalkaas ayaa sababteeda lagu sheegay inantan yar hooyadeed oo uu mar danab ku dhacay iyada oo inantan yar caloosha ku sidda. Haweenayda inantan yar dhashay ayaa si mucjiso ah uga badbaaday danab ku dhacay maalin ay jireen roobab dabaylo wata oo ka da’ay deegaanka ay ku noolayd ee Albuquerque, oo ka tirsan gobolka New Mexico ee dalka Maraykanka, xilligaas waxa ay gabadhani caloosha ku sidday inanteedan yar oo lagu magacaabo Kimberly Gordon, dhakhaatiirtii loo geeyey ayaana ku qasbanaaday in ay gabadhan ku sameeyaan qalniin ay ilmaha caloosheeda ku jira kaga soo badbaadinayaan.

Arrinta kale ee mucjisada ahi waxa ay tahay in danabkan oo dhacay xilli ay gabadhan iyo saygeedu wada socdeen uu markii hore dhegta ka galay ilmaha yar aabahii oo lagu magacaabo Ian Gordon, kadib waxa uu u sii gudbay jidhka xaaskiisa hareer socotay ee Kendra Villanueva oo inta uu jidhkeeda sii dhex maray uu ka baxay suulka. Lammaanahan oo dhaawacyo khatar ahi ka soo gaadheen jidhka gudihiisa ayaa markiiba loola cararay cisbitaalkan qalniinka ku sameeyey ayaa caloosha ka soo saaray inantan yar oo weli sidkeeda laba toddobaad ka dhiman yihiin.

Laba maalmood markii ay Kimberly Gordon jirtay ayaa uu waalidkeed ku arkay arrin ka yaabisay oo ah in timaheedu ay u istaagayaan kor, qaab aan la xakamayn karayn, taas oo markii la baadhay la ogaaday in sababtu ay tahay xaddi koronto ah oo ilmahan yar jidhkiisa gaadhay xilligii danabku ku dhacay hooyadeed. Dhibatada korontada danabkaasi ay gaadhsiisay inantan yari kuma koobna timaheeda korontoobay ee waxaa u dheer dhaawac soo gaadhay hab-dhiskeeda neerfaha oo fadhiga iyo gurguurashadaba ka curyaamiyey. Kimberly Gordon oo hadda hal sano jirtay cuntada ma qaadan karto oo tuumbo ayaa sanka kaga jirta, hab-dhiskeeda dheef-shiidkuna si fiican uma shaqeeyo, arrimahaas oo ay illaa hadda dhakhaatiirtu u maaro la’ yihiin.