Haddii Aad Calmato Ruux Reer China Oo Aad Ku Fikirto In Aad Ubax U Hadyadayso Iska Jir Midabka Caddaanka

0
706

Beijing (Geeska)- Hore ayaa aynu u sheegnay in hadba midabka uu ubaxu leeyahay xidhiidh la leedahay dareenka qofka ama ugu yaraan laga dhadhansan karo waxa ku jira qalbiga qofka hadyadda u bixinaya ubax, dabcan waxa taa barbar socda in bulshooyinka kala duwan ee ku dhaqan dunidu ay leeyihiin dhaqanno kala duwan, dareenka uu qofku ka qaadanayo wax loo soo hadyadeeyey ama sida uu u macnaysanayaana ay ku xidhan tahay hadba dhaqanka bulshada uu ka soo jeedo. Haddaba haddiiba ay dhacdo in calaf kuu geeyo qof u dhashay dalka China waxa talo aasaasi ah lagaaga dhigayaa in aad iska ilaaliso in ubax midabkiisu caddaan yahay aad u hibayso.

Dhaqan ahaan dadka China u dhashay marka ay tacsi tegeyaan ama ay u tacsiyadaynayaan qof uu ka dhintay qof ehel ama gacal u ahaa waxa ay hadyad ahaan ugu dhiibaan ubax midabkiisu caddaan yahay. Ubaxaas cadi waxa uu ka turjumayaa inaad aad uga xun tahay geerida naxdinta leh ee ku timid qofkan. Nin aan u dhalan dalka China isla markaana aan wax badan ka fahamsanayn dhaqannadiisa balse ay u doonanayd gabadh u dhalatay dalka China ayaa waayi gaadhay gabadhii uu jeclaa, kadib markii isaga oo sita ubax midabkiisu cas yahay balse ay ku dhex jirto laan keliya oo cadi, uu u tegey gurigii qoyska gabadha. Inantii ayaa markii ay albaabka ka furtayba waxa ay aragtay ubaxa cad ee uu u sido, markaasaa inta ay cadho cirka martay ay albaabkii ka hor keentay. Inanta aabaheed oo ku soo baxay qaylada iyo sanqadha albaabka ayaa isna markii uu arkay midabka cad ee ubaxa uu wiilku sito waxa uu si cadho leh inankii ugu sheegay in aanu soo geli karin guriga. Ninkii oo yaabban ayaa gurigii ka noqday, laakiin sheekadii kama hadhin ee muddo markii uu daba socday waxa loo sheegay in marka China la joogo ubaxa cad loo geeyo qofka geeridu ku dhacdo.