ICTIRAAF – Raadinta Wax Aan la Garaneyn: W/Q Maxamed Cali Bile —Qeybtii 5aad

0
647

Picture1Sidii an qeybihii hore kuu soo sheegney laba aqoonsi ayaa jiraa oo kala ah:  mid dawladi ay xubin kaga noqneyso Jimciyadda Quruumaha ka Dhexesa iyo mid dawladi ay aqoonsato dawlad kale. Inta aanad maqaalka inta hadhey sii akhriyin daqiiqad jooji oo ka fikir mid ilaa saddex dawladood oo ad is leedahay waa kuwa uugu dhow iney Soomaaliland aqoonsadaan, adiga oo maskaxda ku haya sababta ad uugu maleysan iney dawladaasi ama dawladahaasi ay u aqoonsanayaan. Fikirkaasi maskaxda adoo ku haya, maqaalka akhriskiisii halkii ka sii wad.

Aduunyada maanta lagu noolyahay waa dan, cidna koobshaaha bilaash iskuma siiso, iska daa aqoonsi dawladi dawlad siiso. La iskamana naxo oo lama yidhaa dadkaasi waaxaasi wey u baahanyihiine an sino. Iska siyaasada iyo wax ka sii weyne inaga dhexdeena ayaan inaadeerkaaga wax heystaa maanta diyaar u aheyn inu wax ku siiyo. Dawladina wax aan dan weyni uugu jirin wax kuma darsato. Odayaasha reer Soomaaliland haddaad maanta weydiiso oo ad tidhaa ayaa in aqoonsanaya, waxey u badanyihiin qaar ku odhanayaa ingiriiska ayaa ina jecel oo laga yaaba inu ina ictiraafo. Waxa dhici karta in fikirkaasi shaqeyn jirey 50 ama 60 sanadood, balse maanta ma shaqeynayo. Ingiriis iyo cid kale oo wax jeceli ma jirto. Meeshu waa seylad, waxbaa lakala iibsanayaa. Ma jiro dukaan alaab ku siinaya adigoon lacag bixinaya, hadey sadaqo ka taheyna waa wax yar wuxu ku siiyaa ee kuma siinayo alaab weyn.

Hadaba haddey sida tahay, waa ayo cidda ay maanta tahay iney Soomaaliland ka raadsato aqoonsi. Mareykanku markii uu taageerayey Muslimiinta Boosnia ee uu ku taageerey iney ka madax bannaanaato Yugoslavia-dii burburtey, kamey aheyn reer Bosnia waa dad dulmanee caawi, kamaney aheyn 9000 oo nin iyo will ayaa lagaga gumaadey magaalada shribeniza ee ka nax. La Soco cadadka dambe

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com