Ninka Diida Sinaantaada Adiguna Diid Sarayntiisa

0
767

Picture2(Gudoonka Saleebaan Gaal+ Ku Dhawaaqida Xasan Macalin + Ka Ergaynta Sifir Cidna Ma Aaqbalayso)

Xisbinimadu waa inagu curdin marka laga gudbo magacyada xisbiga loo bixiyo iyo barnaamujka lagu qurxiyo magacbixinta xisbiga oo ku eg marka laga gudbo ololaha doorashada.

Xisminimada Africa gaar ahaan inta badan ku weena waa sida kuweena  uu sigaara uleeyahay ninka magaca gudooniminimada haysta sida xisbigii kulmiye oo layidhi kulmiye waa inankiisa markaa wax adagba maaha in xisbigu ahaado xisbi korka ka xisbiya hoostana ka ah hanta uu leeyahay sida hadaba cadaatay in muuse biixi cabdi oo shirwaynuhu doortay 99.9 maantana aan waxba ka ahayn sababtuna ay tahay waxaa ku dhacay seeftii mulkiilaha oo aan marnaba ogolaanayn in lagu soo dhawaado xaydaabka kursiga ninka leh xisbiga markay xaqiiqdu tahay.

Xisbiga ninka sida dadban u leh oo xuurtada ku haysta markasta wuxuu ku cabiraa rabitaankiisa , yoolkiisa siyaasadeed iyo dhawrista kursigiisa

Xeerka xisbaga laguma dhaqmo oo ninka sida dadban uleh xisbiga sida siilaanyo ayaa kolna taaga kolna jiifiya.

Gudida fulinta iyo golaha dhexe wuxuu kadhigaa xubno isaga aad ugu dhaw oo cidna lameeldhigayn cidii diida kursigiisa waxaa ku dhacaaya wixii ku dhacay maalgaliyihii daacada u ahaa siilaanyo iyo xisbigiisa mudan  C/raxmaan C/qaadir uu ku abaal mariyay in dhabarka laga jabiyo

Muuse biixi ,maxamed kaahin iyo shabeel wax danbi ah kamay galin barnaamujka iyo xeerka kulmiye , waxaase siilaanyo iyo xertiisu danbi ku ah in cidkale kursigiisa soo doonato.

Ugu danbayntiii shacibiga  Somaliland waxa ay ogyihiin , oo ay maqalyaan , oo ay garanayaan xaqiiiqdka nuxurka  saleebaan gaal in aanu dhex ka ahayn dhex dhexaadinta siilaanyo iyo muuse biixi waayo wuxuu yidhi madaxwaynaha iyo muuse marna muu odhan gudoomiyah a xisbiga kulmiye cid kasta oo gar loo qaadanayaana ma aqbali karto gudoonka saleebaan gaal + ku dhawaaqida xasan macalin + ka ergaynta sifir cidna ma aqbalayso dhexna maaha wuxuuna ka raran yahay dhinac kaliya.

Gabo gabadii xisbiga kulmiye ma uheleyaa awood uu ku guulaysto doorashada labaad ?

Siilaanyo markuu ka xuubsiibtay dhamaan halgamayaashii kurisga saaray iyo taageerayaashii nefta uhuray oo sida hagar la aanta ugu shaqeeyay siilaayo saw kursiga kama sii socdo?

Jaaba jaabada uu urursaday iyo wasiirada uu ka midyahay halgamihii waynaa ee wadani oo aan wali cadayn in uu usoo diga rogtay kulmiye , hawlaha wasaaraduna intoodabadan ay dhextaagan yihiin jeegaga jeebkiisa iyo gurigiisa oo waxbadan oo eeda loohayn wasiiru dawlihiisa iyo wasiir kuxigeenkiisa taasoo noqotay jawaabtu ay tahay dareenka nuxurka nabad galyo xumo oo hadheeyay xadka itoobiya iyo jabuuti gaabisna uu ku yimid cilaaqaadkeenii khaarajiga ahaa taasoo ku xidhan sawirka gudaheena suaashu waxaytahay  wasiir waran cade magudbinkaraa siilaanyo sidii gaboose mise isagaaba raba haddii jaanis u helo kursiga madaxwayne nimada sidii awalba dhacday mar haddu haysto shidaalkii jeebka oo sii kordhay ?

Marka la eego niyad jabkii ku dhacay bahwayntii xisbiga kulmiye + ka dulboodkii gudoomiyaha xaqa ah ee muuse biixi + ka quusashadii inaan garxajis aanu siinayn cod siilaayno sida kamuuqata tirada ergayda ah oo ka kooban 33 qof halka habarjeclo leedahay 55 qof taasoo kamid ah mucjisada taariikhiga ah ee siilaanyo +  iyo kasii gurashada wax garad badan iyo beelo badan oo habarjeclo ah kulmiye + ka dareerka waxgaradka, dhalinyarada, haweenka subeer awal =  waxaa cad in aanu siilaanyo ku soo baxayn doorasha danbe  waxaase loo baahan yahay  in aad looga fikiro madaxwaynihii badali lahaa oo qancin lahaa Somaliland aduunkana xidhiidh lasamaysan lahaa .(( saadaal wacan iyo sawd wacan ))

Xasan Suudi Xirsi

Siyaasiga rug cadaaga ah ee madaxabanaan