Brazil Oo Oo Faro Cididood Kaga Badbaaday In Gurigooda Lagu Reebo

0
978

Picture1Brazil ayaa si dhiibaato badan uga tuurtay xulka Chile tartanka koobka adduunka ka dib markii ay rigoodhayaal ku kala baxeen ciyaar ka tirsanayd wareega 16 ka ciyaartaas oo ka dhacday garoonka  Belo Horizonte .

David Luiz ayaa u daah furay daqiiqadii 18aad goolka xulka Brazil ka dib markii uu kabtan Thiago Silva uu madax ku sii dhuftay kubad koorne ahayd oo uu soo laagay xidiga xulka Brazil ee Neymar, inkastoo markii dib loo daawaday la sheegay inuu iska dhaliyey laacibka xulka Chile ee Gonzalo Jara, lakiin xulkan la marti galiyey ee Chile ayaa ka daba yimid daqiiqadii 32aad iyadoo ay ku qaadatay 14 daqiiqo oo kaliya inay soo keenaan goolkaa lagala hormaray goolkaas oo ku yimid khalad ay sameeyeen oo uu dhexda ka qabtay Vargas ayaa si degdeg ah iskusii dhaafiyey laacibka Alexis Sanches oo si habsamiya ugu hubsaday goolka uu gaadhka ka hayey Jolio Cesar .

Iaydoo ay u muuqatay inay xulka Brazil ay aad ugu gacan sareeyeen kubda qaybtii hore ee ciyarta ayaa hadana ay ka faaíidaysan kari waayeen fursado badan oo ay sameyeen gaar ahaan xidiga xulka Brazil ee Neymar.

Qaybtii hore ayaa kusoo dhamatay bar-baro 1-1 ah.

Qarbtii labaad ee ciyaarta ayaa waxa gacanta ku dhigtay kubada xulka Chile oo siday doonto u maamulaysay kubada iyadoo xulka Brazilna ay aad u adkeyeen khadka difaaca , iyagoo sameynayey kubado werar celis ku dhisan dagdag, iyadoo laacibka Hulk uu helay kubad kadib si toosa u dhexdhigay golka xulka Chile goolkaas oo laga diiday laguna tilmaamay inuu kubada ku qabtay gacanta intii aanu dhalin sidoo kale xulka Chile ayaa sameyey fursad gool noqon karaysay oo uu si quruxbadan u badbaadiyey goolwade Cesar .

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay isla bar-barihii 1-1ka .waxana lagu daray wakhtigii dheeriga ahaa ee Extra time oo ah 30 daqiiqo oo kale, iyadoo ay u tahay xulka Chile taariikhdiisa markii ugu horaysay ee ay ka ciyaaraan koobka addunka wakhtiga dheeraadka ah . halka xulka 5ta koob adduun sita ay u ahayd markii 7aad .si lamida sidii qaybihii hore ee ciyaarta ayaa labada xulba ay isla mariwayeen wallow ay ku sigteen xulka Chile inay u gudbaan wareega 8da markii laag uu laagay dhaamaadka ciyaarta laacibka Panilla uu ku dhuftay birta goolka .

Waxana lagu khasbanaday in labada kooxood lagu kala saaro nasiib gool kulaag ah halkaas oo ay Brazil 3-2 ugu khibrad sheegatay xulka Chile.

Brazil ayaa ah xulkii ugu horeyey ee iska xadiriya wareega sedexaad ee loo yaqaan 8da.