Italy 0-1 Uruguay : Talyaaniga Oo La Reebay & Wacadrihii Ciyaarta

0
867

Picture1Ciyaaryahanka uga ciyaara difaaca kooxda Athletico Madrid  ayaa dhaliyey gool soo raagay  goolkaaso ka dhigay inay wareega labaad  ay iska xadiriiyann iyagoo ka riixday  booskaa xulka qaranka taliyaaniga iyadoo laga soo calamadinayo ciyaartii aadka uxiisaha badnayd ee xalay ku dhex martay labadan xul qaniiyadii ciyaaryahankii Lius Suarez kula kacay difaacyahanka xulka taliyaaniga ee Giorgio Chiellini .

Diego Godin ayaa xili danbe u xaqiijiyey xulka Uruguay inay u gudbaan wareega 16ka ee koobka adduunka isagoo ka saaray 10 ciyaaryahan oo taliyaani ah tartankan koobka adduunka  , lakiin waxaa bogaga hore ee saxafada mar labaad ka soo muuqanaya Luis Suarez.

Weraryahankan koxda Liverpool ayaa ka muuqday shaashada isagoo garabka  ka  qaniinaya difaacyahanka Giorgio Chiellini ciyaartii ugu danbaysay ee groupkoda kana dhacday magaalada Natal.

Diego Godin ayaa dhaliyey gool kazoo koorne la soo qaday la helay madax wana goolka kaliya ee ciyarta ka dhashashay , iyadoo uu muuqanayo anshax xumada uu ku kacay laacibkan 27 jirka kazoo hore ugu sameyey dhacdadan oo kale kooxha Liverpool iyo Ajex .

Taliyaaniga oo u bahna dhibic kaliya si ay ula soo baxaan koxda hore u sii meelaysatay ee Costa-Rica ayaa lagu ganaaxay casaan kadib markii ciyaarta laga saaray laacibka Claudio Marchisio, daqiiqaii 59aad kadib markii uu six un uu meel sare oo lugta ka laagay laacibka Uruguay ee Egidio Arevalo..

Kooxda Cesare Prandelli ayaan awood u helin ay ku barbareyaan ciyaarta lakiin su´aasu la iswaydinaya waa ficilkii Suarez. Guuldaradan foosha xun ee soo gaadhay xulka qaranka Taliyaaniga ayaa waxay ka dhigaysaa inay ka hadheen tartanka koobka aduunka wareegiisii koowaad oo la micno ah inay sii racaan xulka qaranka England .