Sheekh Aaden Siiro Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa

0
640

Picture2Hargeysa(Geeska)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud(Sheekh Aadan Siiro ), ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka magaaladda Hargeysa.

Sheekh Aadan Siiro ayaa ka soo laabtay dalka Malaysia oo uu u tagay arimo caafimaad,waxaanu mahad celin balaadhan u jeediyay dadkii u duceeyay intuu arimaha caafimaad ku maqnaa, sida oo kale waxa uu hadalo dhiiri galin ah u soo jeediyay bulshada reer Somaliland oo uu ugu baaqay inay dalkooda ka shaqeeyaan. 

Sheekh Aadan Siiro  ayaa waxa uu u mahad-celiyey dhamaan-ba dadkii sida diiran u soo dhaweeyey,isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi"waxaan ku faraxsanahay in aan ku soo noqdo dalkii oo nabad iyo wanaag badan uu ka jiro,Waxaan u mahad-celinayaa dhamaanba dadkii khayrka badnaa ee habeenka madoow iyo saacadaha wax la aqbalo ee ILAAHAY soo baryayey iyo kuwii ila soo xidhiidhay ee la socday xaaladaydu halka ay marayso.Hooyooyinka agoonta korinaya iyo kuwaa indhaha la'aa iyo kuwa dalka u soo leeleelay, oo runtii cid taqaana ay yar tahay ee maryaha cas-cas leh, ee marka ay waddooyinka marayaan inta baddan ku duceeya ILAAHOOW dalka noo hagaaji, ILAAHOOW hoggaanka noo hagaaji, ILAAHOOW dalkayaga noo barwaaqee, ILAAHOOW khayraadkiisa noo soo saar,kuwaasi waa kuwa ay awoodoodu ilaalinayso dalkan aynu maanta waddno,waa kuwa dhacdadii ugu danbeysay ee ka dhacday Jeelka u gurmaday dalka."

Sheekh Aadan Siiro oo ay gaadiid badani galbinayaan ayaa ugu danbayntiina ka qaybgalay xaflad soo dhawayn ah oo loogu sameeyay hotel Maansoor magaaladda Hargeysa, waxaanu sheekhu shacbiga reer Somaliland ugu baaqay inay ku da’daalaan inay dalkooda ka shaqaystaan oo ay horumariyaan.