Ururada Xamaas Iyo Fatax Oo Heshiis Rasmi Ah Gaadhay

0
710

Dhinacyada iska soo horjeeda ee Falastiiniyiinta, ee Fatax iyo Xamaas, ayaa ku dhawaaqay in isfahan dib u heshiisiin ah ay gaadheen, kaddib markii ay ku shireen marinka Gaza.

Hogaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyah, ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen in la bilaabo wadahadalka lagu sameynayo dowlad midnimo, laga bilaabo todobaadyada soo socda.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay labada dhinac isku dayaan in ay wanaajiyaan xidhiidhka ka dhaxeeya, tan iyo qalalaasihii ay ku kala go'een 2007-dii.

Hasayeeshee heshiisyadii hore ayaan la meel marin. Isfahankanna waxa uu ku soo beegmayaa xilli wadahadalada nabada ee Israa'iil iyo xisbiga Fatax ee uu hogaamiyo madaxweyne Maxamuud Cabaas, ay qarka u saaran yihiin in ay burburaan.

 

Waxyar uun kaddib markii lagu dhawaaqay heshiiska, ayaa Israa'iil waxa ay duqeysay waqooyiga Gaza, afar qof ayaana halkaa ku dhaawacmay.

Weerarkanna waxa uu imanayaa laba maalin uun kaddib markii maleeshiyo ku sugan Gaza ay gantaalo ku weerareen koonfurta Israa'iil.

 

Fatax ayaa waxa ay maamushaa maamulka Falastiiniyiinta, kaasoo ka taliyo Daanta Galbeed, halka Xamaasna ay gacanta ku hayso awoodda marinka Gaza.