Marka Aad Imtixaanka Waraysiga Ah Ee Shaqada Gelayso, Iska Ilaali Qaladaadkan Aadka u Dhaca (Q:1aad

0
983

Picture10Hargeysa (Geeska)- Is bedellada dhaqaale ee waaweyn ee saameeyey dhammaan daafaha dunida,  tiknoolajiyadda sida xawaaraha ah u sii horumaraysa, marar badanna bedelaysa tamartii iyo shaqadii aadamaha looga baahan jiray iyo nolosha qaaliga ah ee meel kasta ka jirtaa waxa ay aad kor ugu qaadeen tirada dadka shaqo doonka ah. Sidaa awgeed qofka meel ama xafiis shaqo ka codsadaa waxa uu ku qasban yahay in uu dadaal adag ku dhaafo imtixaannada iyo in uu ka gudbo kan ugu weyn oo ah kulanka waraysiga ah ee afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Interview’ oo cidda shaqada bixinaysaa ay su’aalo muhiim ah ku weydiinayso. Waa imtixaan dadban oo ay tahay in uu kaga adkaado dadka tirada badan ee shaqadan soo dalbaday, oo uu cidda shaqaalaynaysa tuso in uu isagu yahay kii ugu haboonaa shaqadaas, qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaladaadka ugu badan ee uu qofka shaqa-doonka ahi galo maalintaas muhiimka ah ee dadka shaqaalaysiinayaa ay weydiinayaan su’aalaha.

1. Iska jir in aad xidhato dhar aan ku haboonayn kulankan oo kale. U Labbiso sida ugu xaragada badan ee haddana aanay ka muuqanayn ka badbadin iyo in aad ku talax  tagtay doorashada midabbada, kuna dadaal in aad u muuqato ruux nadaafaddiisu sarrayso, labbiska yaqaanna, haddana aanay kibir iyo ka bad-badini ka muuqan.

2. Iska ilaali beenta: Waxa aynu maraynaa waqti horumar weyn laga sameeyey aqoonta iyo ilbaxnimada dhinaca shaqooyinka, sidaa awgeed iska jir in aad ruuxa ku shaqaalaysiinayso u sheegato shaqo aanad aqoon badan u lahayn, ama in aad xirado badsato, gaar ahaan marka aad ka waramayso shaqooyinka aad hore u soo qabatay. Sidoo kale ha ka been sheegin waxbarashadaada, tababarrada aad soo qaadatay, shahaadooyinka aad haysato. Waxa aad ogaataa in beentu ay dhaqso u fashilanto, in indhahaaga beenta aad sheegayso laga akhrisan karo ama maalmo yar gudahood ay soo bixi doonto, haddii aad shaqadaa ku guulaysato, taasina ay kugu keento iyada oo lagu arko beenaale oo ixtiraamkii aad mudnayd hoos loo dhigo ama shaqadaada kalsoonida lagala noqdo. La soco…