Xisbiga Waddani Oo Beeniyay Inuu Khilaaf Dhexdooda Ka Jiro

0
581

Picture3Hargeysa(Geeska)-Hoggaanka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa si wada jir ah u beeniyay in aanu xisbigaasu u qaybsamin laba garab, waxaanay sida oo kale beeniyeen warar ay warbaahintu ka qortay.

Guddoomiye ku xigeenka afraad ee xisbigaas Cabdi  Raygal Beegsi, ayaa hore u sheegay in khilaaf ka hdex jiro xisbiga Wadani, waxase hadda uu sheegay in warbaahinta ay arinta buunbuunisay khilaafna aanu jirin.

Masuuliyiinta xisbiga Wadani oo warbaahinta isku soo hortaagay si dhoola tus ah iyaga oo garbaha isku haya ayaa beeniyay inay laba garab u kala fadhiyaan.Ugu horeyn shirkan jaraa’id waxa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed, waxaanu yidhi“Waxaad ogtihiin in warbaahinta dalku ay sheegtay inuu xisbiga waddani is haysto oo aanu runtii si aad ah ula yaabnay oo ahaa in hoggaankii xisbiga Wadani laba u kala jabay iyo in khilaaf ba’ani xisbiga hadheeyey, runtii taas ayaanu doonaynaa inaanu shacabka reer Somaliland u iftiimino tageerayaasha xisbiga Waddani ee jooga dalka dibadiisa iyo gudihiisa dhamaan inaanay caado ahayn  horena u dhicin dibna aan u dhici doonin in Wadani khilaaf soo kala dhexgalo hogaanka iyo guddoomiyaha xisbiga iyo guddoomiyaha kowaadba ma jiraan khilaaf dhexe dood yaala.”

Dhinac kale waxa isna halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka 4-aad ee xisbiga Wadani mudane Cabdi  Raygal oo isagu hore u sheegay khilaafkaas xisbiga ka jira, waxase uu markan yidhi“Sidaas uu guddoomiye ku xigeenka koowaad ka dhawaajiyey shalayto aniga waxa iga baxay arin yar oo laba kalmadood ah, waxaana laga dhigay laba kun, waxaan la soo uruuriyey wixii sawir yaalay wadanka oo dhan arintaasina arin wax ka jiraan maaha waydinkaas na arkaya waanu ka midaysanahay waxa dhibaato oo jiraa majiraan.”

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay xog-haya guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-Cade waxaana uu yidhi“Horta xisbiga Waddani arinkaas is qabsiga caado uma laha sida asxaabta qaarkood  ilaa urur nimadiisii ilaa maanta oo uu xisbi yahay caado uma laha arinkaas is qabsi iyo murankaba,waad la socotaan oo xisbiga Waddani wali laba qof oo wax isku qabsaday ma jiraan waa ladoodaa cid walibana rayigeeda ayey dhiibataa lakiin waxa is qabsi ah ma jiraan.”

Mustafe Cabdilaahi Jaamac oo ka mid ah hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa isaguna dhankiisa halkaas ka yidhi “Sida la idiin sheegay hoggaanka xisbiga Waddani waa midaysan yahay, waxa khilaaf ah oo aanu ognahay oo dhexediisa ka jiraana ma jiraan, waxaana xisbigan u caado ah inuu hab dimiq-raadi ah talada dhex taala u kala qaybsado haday shirarkiisa tahay heer hogaan iyo heer gole fulineedba markaas waxa weeyaan oo aanu ognahay oo aanu aad ula yaabnay ilaa xalayto in ay xukuumaddu dabad ka riixaysay saxaafada qaar ka mid oo ay tidhi buun buuniya.”