Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Cadeeyay Inuu Jiro Khilaaf U Dhexeeya Xisbigooda

0
526

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdi Raygal Beegsi, ayaa daboolka ka qaaday inuu jiro khilaaf laba dhinac u kala qaybiyay xisbiga mucaraadka ah ee Waddani.

Cabdi Raygal Beegsi  ayaa sheegay in qaar ka mid ah masuulyiinta xisbigaasi ay dhibaato ka dhexwadaan xisbiga gudihiisa, waxaanu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyay tilifishanka Royal, waxaan isaga oo arrimahaas ka hadlaayay uu yidhi“Waxa jira in masuulkii lagaga tagay xisbiga ayaa jabadaantii ciyaalka ka dhex ciyaaraaya, oo koox gaar ah ayaa talaabadii la qaadaba iyaduna talaaabo kale ka dhex qaadaysa oo ka mid ah musharaxiinta waaweyn ee xisbiga. Waxaana masuuliyiintaas u soo jeedin lahaa inay waxii loo igmaday ay qabtaan oo ay ka baxaan waxii aan loo igman, labadaas garabna anigu waxaan ahay garabka leh toos haloo socdo, garabkaasna guddoomiyaha guud ayaa hogaamiya.”

Khilaafkan u dhaxeeya masuuliyiinta xisbiga Waddani ee ka hooseeya Guddoomiyaha xisbigaas Cabdiraxmaan Ciro ayaa hadda uun soo shaacbaxay waxaana loo dhegtaagayaa halka uu sal dhigto khilaafkaasi.