Berbera: Tartan Kubada Cagta Oo Maalintii Shalay Uga Furmay Qaar Ka Mid Ah Dugsiyadda Hoose Dhexe Iyo Dugsiyadda Sare Garoonka Kubada Cagta Ee Berbera Stadium

0
872

Picture1Waxaa maalintii Shalay garoonka kubada cagta ee Berbera Stadium ka furmay Tartan kubada cagta ah kaas oo loo qabtay afar Dugsi oo ka mid ah Dugsiyadda Hoose Dhexe iyo Sarre ee ka dhisan Magaaladda Berbera.

Tartankan oo agaasinkiisa iyo qabsoomidiisaba uu gacan weyn ka gaystay Isu-duwaha Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Gobollka Saaxil Mustafe Maxamed Cilmi ayaa waxa ay kala yihiin Dugsiyadaasi Dugsiyada Sare ee Bursade iyo Cabdisalaan iyo Dugsiyada Hoose Dhexe ee Cumar Binu Khadaab iyo Saaxil. Kulankii furitaanka shalay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiinta heer Goboll iyo heer Degmo ee Gobollka Saaxil, Isu-duwayaasha Wasaaradaha Ciyaaraha iyo Waxbarashada, ardayda Dugsiyada iyo Marti-sharaf aad u tiro baddan. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Isu-duwaha ciyaaraha Mustafe Maxamed, waxaana uu xusay inay ku talo-jiraan sidii loo dhiiri-gelin lahaa korna loo qaadi lahaa guud ahaanba ciyaaraha kala duwan ee Gobollka Saaxil, isagoo sidoo kalena u mahadnaqay Maamulka Gobollka.