Dhalanteed: Curiye: Axmed Colaad Digaale (Qorane)

0
1071

Picture1Waa Gabay cusub oo  siyaasiya ,waxaanu  dhaliilaya xukuumada maanta talada dalka haysa, waxaa tiriyey Abwaanka caanka ah ee Axmed colaad Digaale ( Qorane

1. Indhawahaydba gabaygii ma dhugan dhaabada ahaaye.

2. Hadba aniga oo meeel dhigaaa dhibicu hooraaye.

3. Caawana haddaan laygu dhidhin uma dhawaadeene.

4. Ma' dhukani xiskuna way dhan yahay dhaayahay furane.

5. Mar haday dhijaaamii madheen harana dhoobawday.

6. Dhanbaa laga raraye awr kayagu dheeli ma aqoone

7. Dhayalsiga abeesada dhasha ah wad u dhimataaaye.

8. Dhulluxaaan hareeraha ka  dhayay dhab uma daawayne.

9. Dhidhka waxaan u wada dhaafayaa hoosta haw dhaca'e

10. Dhalaan iyo waxaaa lagu sabaa naago dhalanteede.

11. Labaduba dhiibiiqiyo tagfida dhaadi mahayaaane.

12. Markay doorashadu soo dhaw dahay ama la dhawraayo.

13. Dharar noolba waxaa loo tumaaa dhantadii hore'e

14. Hadba waxay  Dhabaaggiyo riyada dhab u maleeyaanba..

15. Hadhaw bay dhafoor kiyo gacmaha dhabanka saaraane.

16. Marse haday bulshadu dhoohan tahay dhirif ma yeeshaane.

17. Inkastuu waraabuhu dharguu dhiga ka hiraaabto .

18. Dhaqan xumo ma daadiyo inuu dhaco habeenkiiye.

19. Wax kadhigan dhabcaal iyo nimaan ceeb ka dhiidhiyine.

20. Dhaddig iyo labood maaalku way naga dhexeeyaaaye.

21. Daarahan la dhalan dooriyee dhaxagii sii muuuqdo

22. Waa dhalax la wada leeyohoo laguna dhaataaye

23. Hadaaan bahalka xooralaha dhufsada lagu dhawaaqaynin.

24. Ma'dhabaro e wuxuu soo dhigtaa duhur dharaareede.

25. Ana hororka inan dhiiriyaan dhaar ku marayaaye.

26. Waxma dhaanto taliskii dhintiyo  dhoobigii  xigaye.

27. Mid waliba muduu dhaansadaa dhoon horaadada'e

28. Hadaydaaan  aduun waaa dhaxdine sharafta dhawraynin

29. Dhiska cuna dhaqaalaha madhsada  dhiilka wada laaaca

30. Dhurwaayada hashii laga dhacshee dhiradka loo loogay.

31. Dhawr kii guree udub ka hadhay dhidibada u saara

32. Ka dharqada halkii dhaayin loo nabada dhaadhyeeya

33. Dadka dhaca cashuuraha ku dhiba dhuuxa  ka idleeya.

34. Dhilow yahanku  geed kuu ku yaaal dhagac kusoo siiya.

35. Sidii weere adhi soo dhex galay  dhaysta ku casheeya.

36. Dhulka gada dhitada fuuqsadoo naaska wada dhaadhya.

37. Dharkayn iyo dhunkaal kolay ku tahay dhirin-dhirkii hawdka.

38. Ku dhirbaaxa dhuuniga wixii maraya dhuuntiina.

39. Shacbigooo harad dholon-dholoo dhibibayoo liiita.

40. Dhiilada dad waynaha ka timid dhagaha diidsiiya.

41. Ku dhadhaba halkii dheefle oo dhabaqa raacdeeya

42. Markay milicdu xoolaha dhibtiyo dhamacda jiilaalka.

43. Dharaar maalku  geeluu dhaqaa lagu dhalilaaye .

44. Sunta dhama galshada sii dhurtoo dhaanish ku cayaara.

45. Dhiriq daaa luga kula dhacdeen dhiidhigiyo ceebta.

46. Dhawaaq runa haduu ruux ka dhaho  dhawr ku wada caaya.

47. Dhexda  bahasha kala soo baxoo dhaaxa kula booda.

48. Dhalliiilaha dhambaal erey ka qoray wada dhaleeceeya.

49. Intoo hadalka sii dhalan rogtaan weerarka u dhiibsha.

50. Mirta dhexe wargays yada u dhaca dhaawacna u gaysta.

51. Hadii golaha dood loo dhigoo muranku dheeraado.

52. Markay taladu dheel- dheelideee  meel  la dhigi waayo.

53. Dhanga-gaale yaashiyo tukaha wax u yar dhiib dhiiba.

54. Dhameelka guurtida u quba urisa dheecaanka.

55. Kudhamaatay maatadii badiii dhumucda waynaaye.

56. Dhalin yaradii kala caymadoo qaarba dhan u yaacye.

57. Badhna way dhinteen qaarna way dhaga barjoobeene.

58. Dhibaatada hadaan laga hortagin say u dhicisawdo

59. Wax ka dhalan dhulkoo laga huddamo dhagar kasii wayne.

60. Ka dhur suga dhareeyada wixii dhacaya yeelkiiye

61. Rahu wuxuu dhawaaqaa markuu dharabka joogaaye.

62. Dhaylada markaa ka hidigtaaan dholo tamoo faaana.

63. Dabadeed waxay dhali kartiyo maaala dhaxalkeeda.