Guddoomiye Baashe Oo Ka Hadlay Wada Hadalka U Socda Xukuumadda Iyo Cali Khaliif

0
527

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Md.Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay wada hadalada la sheegay inay u socdaan xukuumadda Somaliland iyo siyaasiga Cali Khaliif Galaydh.

Sida oo kale waxa uu guddoomiye Baashe ka hadlay tagitaankii ay ciidamada qaranku tageen Taleex, waxaanu shacbiga deegaankaas ugu baaqay inay dalkooda wax la qabsadeen. Baashe Maxamed waxa uu sidan ku sheegay mar warbaahintu ay su’aalo ku waydiisay xafiiskiisa.

Ugu horayntii guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Md.Baashe Maxamed Faarax isaga oo ka hadlaayay imaanshihii Garaad Jaamac waxa uu yidhi“Garaadku waxa uu ku soo noqday dalkiisii, waana garaad miisaan leh aad iyo aadna waxaanu ugu faraxsanahay isaga iyo dadkii la socdayba, si fiicana loo soo dhaweeyay oo la tusay kalgacaylka ay Somaliland u qabto gobalada bariga, soo dhawayn xad dhaaf ah ayaa shalay loo sameeyay aad iyo aadna waanu ugu faraxasanahay, waxaanuna mahad u soo jeedinaynaa shacabka reer Somaliland, waliba shacbiga reer Hargeysa, sida sharafta iyo karaamada leh ee ay u soo dhaweeyeen garaadka iyo dadkii la socdayba.”

 

Guddoomiye Baashe oo la waydiiyay sida uu u arko wada hadalada la sheegay in Somaliland ay la leedahay siyaasiga Cali Khaliif Galaydh, waxaanu ku jawaabay“Hadaladu waa wada socdaan inagu waxa aynu waajib u leenahay nin kasta oo reer Somaliland u dhashay in aynu la hadalno oo soo dhawayno, xidhiidhkaas waa la sheegay inuu jiro oo ay wadahadalo socdaan, horena waa ay u socdeen oo dadku waa dadkeenii mabaa’dii ayuun baa lagu kala duwan yahay, wax Alle iyo waxii wada hadal ah way sii soconayaan, waxaanuna filaynaa garaado iyo dad kalena inay sida garaad Jaamac yimaadaan, oo ogaadaan meeshani inay tahay dalkoodii.”

Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Md.Baashe Maxamed Faarax  oo ka hadlaayay tagitaankii ciidamada qaranku ay tageen Taleex waxa uu yidhi“Puntland waa ay ogyihiin in dalkani uu yahay mid Somaliland ah ama ciidanku Taleex ha tago ama Laasqoraye, sanadkanina waxa uu noqonayaa sanadkii wadooyinka iyo maamul fudinta, ciidamadu Taleexbay tageen oo may qabsane dalkoodii ayay tageen oo xaq ayay u leeyihiin meel kasta oo Somaliland tahayna waa la tagayaa, Puntland-na way ku gardarantahay in ay tidhaahdo maxaa Taleex loo tagayaa, nasiib wanaagna waxaan u hanbalyaynayaa ciidamada qaranka Somaliland  Puntland  markay Taleex timi waxii ka dhacay waad ogaydeen, laakiin ciidamada Somaliland meel kasta oo ay tageen waxay ku tageen nabad galyo qof ay wax yeeleen iyo mid ay xariiq gaadhsiiyeen ma jirin.”