Xasan Gaahfaadhi Oo Isu Sharaxay Guddoomiye-xigeenka KULMIYE Iyo Weedhihii Uu Ismaaciil-Yare Jeediyay

0
603

Picture4Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah guddoomiyayaasha ururadii ku biiray xisbiga Kulmiye ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay ka soo horjeedaan soo jeedintii dhawaan lagu xaliyay khilaafkii xisbiga Kulmiye.

Waxaanay ku dhawaaqeen inay galayaan waji cusub oo siyaasi ah, iyaga oo ugu baaqay ergada shirka Kulmiye imaanaaya inay ka soo horjeestaan in soo jeedintaas shirka la keeno. Waxa sidan sheegay Guddoomiyaha urur siyaasadeedkii Rays Xasan Gaafaadhi iyo sida oo kale guddoomiyaha ururkii Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare )oo isaguna taageeray.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedkii Rays Xasan Gaafaadhi ayaa isagu dhankiisa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u taagan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, waxaanu xisbiga ugu baaqay in la ilaaliyo sharciga u yaala.

Guddoomiyaha ururkii Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare ) oo ugu horayntii hadlay ayaa taageero buuxda u muujiyay musharaxnimada Xasan Gaafadhi, isla markaasna baaqa u diray hogaanka sixbiga Kulmiye, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Aad ayaan u soo dhawaynayaa uguna faraxsanahay inuu Xasan Gaafadhi oo ahaa guddoomiyihii ururkii Rays uu isu soo sharaxo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xibiga Kulmiye. Xeerka iyo sharciga uu dhigtay Kulmiye waa uu u ogalaanayaa inuu isa soo sharaxo oo wax u diidayaa ma jiro, waa laga yaabaa in mararka qaarkood la yidhaahdo xal waxa loo arkaa in sidaas la yeelo oo qoladaas sidaas loo daayo, taasi waa wax xal ah ee laakiin sharcigii waxba kamay badalin, sharcigana halka laga badalaa waa marka shirweynaha laysugu yimaado, laakiin xalna waa uu jiraa, oo Muuse Biixina waxa la tartamaayay Cabdicasiis oo waxa la yidhi uga hadh, Cabdicasiisna sidii ayuu kaga hadhay, laakiin waa laga yaabaa rag qarsoonaa oo aan markii hore la arkayn inay isa soo taagaan, markaas haday kuwaasi isa soo taagaan ma sidii barigii Udub qoorta nalooga qabtay ayaa looga qaban doonaa, maya ayaan leeyahay, waxaan filayaa in uu ka dimuqraadiyad dheeryahay xisbiga Kulmiye tii Udub markaanu ahayn ee qoorta layska qabanaayay,waxa laga yaabaa in kii loo daayayba codka ka helo hadaan sidaas Xasan aanu isa sii muujin oo uu noqdo uun mid meesha ka dhex kaca, waayo waxani waxay u baahan yihiin in aad olole sii gasho, inaad isa sii sheegto inaad musharax tahay, hadaanu Xasan isa sii sheegin oo maalintaas uu shirka uu ka dhex kaco inteenanba fajiciso ayay ku noqon lahayd, markaas si aynu u codaynaba maynaan garnee.”

Ismaaciil Yare oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo laba teeram ayuu isa soo sharixi karaa, mid waa uu isa soo sharaxay ta labaadna xaq ayuu u leeyahay inuu isa soo sharaxo isaga oo iska daaya mooyaane, isaga oo isa soo sharaxaaya cid kalena waa ay isla soo taagaysaa oo nasiibkeeda ayay ka qaadaysaa, waayo dimuqraadiyada xisbiga ayaa sidaas ah, ma filaayo hadii uu cadaalad helo Xasan inuu guddoomiye ku xigeenka koowaad waayaayo, waayo inuu sadexdii xisbi qaran ka mid noqdo ayuu sigay, imikana guddoomiye ku xigeenka koowaad macnaba uguma fadhiyo, marka aynu runta u soo noqono xisbiga Kulmiye ayay dani ugu jirtaa inuu Xasan noqdo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga.waxaaba laga yaabaa nin isa soo qaaday oo yidhi waan sharaxanahay in aanu waxba helin, laakiin aad magac u samayso marka aad qoorta ka qabato ee aad dibada uga saarto oo dadka oo dhamina kaa raacaan.qolooyin ayaa halkan ka lahaa malaa Ismaaciilana waa musharax, anigu musharax ma ihi oo hore ayaan u sheegay  oo hadii aanu Kulmiye sidaas wax uga weyno waxaanu samayn doonaa aniga iyo Xasan Dal-Rays urur la yidhaahdo,waa dal barwaaqo ah oo Dalsan iyo Rays oo laysku daray weeyaan, taas ayaana iman doonta, markaas waxaan leeyahay qolada Kulmiye degdeg Xasan codkiina u siiya una oglaada inta uu Dal-Rays idinku soo bixi lahaa.”

Guddoomiyihii ururkii Rays Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa isagu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharaxan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, waxaanu dhaliilay go’aankii dhawaan ay gaadheen gudidii turxaan bixinta xisbiga Kulmiye, isaga oo baaq u diray ergada iman doonta shirweynaha, waxaanu hadaladiisa ku bilaabay “Marka hore waxaan cadaynayaa inaan u taaganahay musharaxa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye. Markii aanu soo galnay xisbiga waxa aanu nimi xili xisbiga uu shirweyne fooda ku soo hayo, waxaanu ku heshiinay waxii aanu hunguri qabno inaanu ku muujino shirweynaha,sidaad ula socotaan shirwynahaasu mudo sanad iyo dheeraad ah ayuu dib u dhacaayay oo dib u riixmaayay, hadana waxaynu soo gaadhnay wakhti sanad iyo bilo laga joogo xiligii uu qabsoomayay mudadiina ilaa hada aanay cayinayan.Waxay noqotay shirweynihii aanu sugaynay inuu ku soo gabogaboobo in hogaanka iyo in ku dhaw intay meel fadhiisato inay yidhaahdaan shanta sanadood ee soo socotana haynoo xidhnaado xisbigu, arinkaasi mid aanu filaynay,meeshana leeg sharci ahaana banaan maaha, anigu hadaan Xasan ahay habeenkii go’aankaas la gaadhay subaxnimadeediiba hogaanka waanu is aragnay waxaanan ku idhi arinkaasu waa arin qalad ah mana qabato meesha ma raacsani qof ahaana waan ka soo horjeedaa, hankeedana waan leeyahay kiina waa kaas aan maanta la taagnahay.”

Xasan Gaafaadhi oo hadalkiisa sii wata kana hadlayaa go’aanka lagu xaliyay xisbiga Kulmiye khilaafkiisii oo ah inaan lagu tartamin  waxa uu yidhi“Arinkaasu hindise ayuu ahaa dadkuna wax badan ayay is waydiinayaan dadka qaarkood ayaana go’aan u haysta go’aana maaha ee waa hindise ay cidi soo jeedisay waana wax la diidi karo, waana wax la yeeli karo, laakiin waxa ka xaasil ah sharci uu dhabarka ku hayaa ma jirto. Shirweynahu waa haayad dastuuri ah oo sharci ah hawlo sugan oo ay tahay inuu fuliyo, hawlahaasna waxa ka mid ah in lays doorto oo hogaanka xisbiga iyo dhismaha xisbiga la doorto oo golahiisa dhexena lagu doorto, waa uu taagan yahay cid baajin kartaana ma jirto, cid go’aan ka gaadhi karta oo dibada ku soo dhamayn kartaana ma jirto, sidiisii ayuu u leeyahay, hadalka halkaas lagaga dhawaaqayna waa hindise dadka yay ugu dhicin inay tahay go’aan. Haddii ay go’aan tahay looma baahana in dadku uu Ceerigaabo ka yimaado ama laasacaanood,Saylac iyo inta intaas u dhaxaysaba, laakiin waxa weeye dadku codkoodii ayay leeyihiin, hogaankoodii inay doortaan ayay leeyihiin, taas ayaanay tahay inay fusho.”