Dadka Qaba Cudurka Macaanku Waxa Ay U Nugul Yihiin Xanuunnada Aragga Daciifiya Ama Dila

0
957

Picture12Washington (Geeska)- Cilmi baadhis caafimaad oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in dadka u buka cudurka macaanku ay halis ugu jiraan dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca aragtida ah. Cilmi baadhistani waxa ay tilmaamtay in dadka qaba macaanka, khatarta ugu weyn ee indhaha ka soo food saartaa ay tahay wiilka iyo bu'da isha oo wax yeellowda, hab dhiska aragga oo bukooda iyo khal-khal ku beerma aragtida.

Waxa ay daraasaddu muujisay in tijaabo lagu ogaaday in mar kastaba, dadka qaba macaanku ay kuwa aan qabin ee dhiggooda ah uga nugul yihiin arag-darrada iyo indho beelka dhamaystiran labadaba. Majaladda Eristy Tsaitung ee ka soo baxda dalka Jarmalka oo ka faalloota arrimaha caafimaadka oo faafisay maqaal ay kaga warramayso natiijada cilmi baadhistan ayaa sheegtay in daraasaddan ay samaysay xarunta ka hor tagga cudurrada ee gobollada Atlanta iyo Georgia ee dalka Maraykanka. Intii daraasaddan la wadayna waxaa badhitaan iyo tijaabooyin caafimaad lagu sameeyey in ka badan 1200 oo qof oo macaan qaba iyo qiyaastii 12 Kun oo qof oo caafimaad qaba.

Waxa ay daraasaddu sheegtay in boqolkiiba 11 ka mid ah dadka qaba macaanku ay dhibaatooyin dhinaca aragtida ah qabaan, halka dad macaanka aan qabin balse araggooda wax u dhiman yahay ka noqdeen boqolkiiba 6. Ugu dambayntiina waxa ay daraasaddu sheegtay in boqolkiiba 50 ka mid ah dadka qaba Macaanku ay dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca aragtida ah qabaan, iyada oo weliba sheegtay in dhibaatooyinkaasi u badan yihiin kuwo aan la daweyn karayn.