Faa’idada Caafimaad Ee Uduggu U Leeyahay Nafta Iyo Dhibta Ay Kool-Koolintu Ku Keento Dabeecadda Ilmaha

0
959

1. Uduggu waxa uu dawo ka yahay isku buuqa iyo walbahaarka:

Daraasad cilmi ah oo lagu sameeyey udugga iyo saamaynta uu ku leeyahay nolosha aadamaha ayaa lagu ogaaday in Uduggu caawiyo dejinta neerfayaasha iyo daaaweynta isku buuqa iyo walbahaarka. Waxa ay sheegeen khubarada samaysay daraasaddani in cadarka ay ku jirto maaddo u shaqaysa sida daawooyinka loo isticmaalo dejinta neerfayaasha.

2. Kool-koolinta badan ee ilmuhu waxa ay halis ku tahay noloshiisa mustaqbal: Daraasad lagu sameeyey dalka Faransiisaka ayaa lagu ogaaday in kool-koolinta badan ee ilmaha lagu dhaqaa ay keento khatar weyn, gaar ahaan marka uu ilmuhu yahay mid kelidii ay waalidkii dhaleen. Waxa ay daraasaddu sheegtay in ilmaha waalidkii aad u kool-kooliyaa ku dambeeyo in uu noqdo qof madax adag, (digtaatoor) iyo danaystenimo xad dhaaf ah. Waxa uu sidoo kale noqdaa qof jecel in uu qabsado kana arrimiyo wax kasta iyo arrin kasta xataa haddii aanu lahayn takhasuskeeda ama aan isaga si gaar ah loogu igman.