Wargeyska Geeska Afrika Oo Maanta Siddeed Jirsaday Iyo Marxaladihii Uu Soo Maray

0
683

Picture7Maanta waxa ay ku beegantahay sannad guuradii 8aad ee ka soo wareegtay maalintii  koowaad ee uu soo baxay Caddadkii ugu horeeyay ee Wargeyska Geeska Afrika 17 April 2006.

Marka u horaysa Wargeyska Geeska Afrika iyo mataanihiisa Ingiriisida ee The Horn iyo ciyaaraha,  waxaa ay hanbalyo iyo bogaadin gaadhsiinayaan  guud ahaan dadyawga ku hadla Afka Soomaaliga, gaar ahaan ummadda reer Somaliland iyo akhristayaasha tilmaanta hufan iyo dhiiri-gelinta hiilka ah la barbartaagnaa waqtigaa uu tirsadday.

Tan labaad,  waxaa tilmaan ku fiican, Mudaddaa siddeeda sannadood ah  ee da’da Wargeyska Geeska Afrika baarka ka goysay maanta 17 April 2014, marnaba ma  naaqusin iftiinka uu ku illaynayo jidka ummadu ugu hayaamayso  himillooyinkeeda nololeed. Sidoo kale, subax qudha  kama uu gaabin dedaalkiisa ku aadan,  wartabinta,  wacyigelinta iyo kobcinta aqoonta ama  habka fekerka bulshaddiisa, taasoo ay akhristayaashiisu kaga qayb-qaataan qormooyin gaar ah oo taabanaya, waayaha lagu jiro hadba. Islamarkaana, gogol xaadh u ah talaabooyinka lagaga gudbo carqaladaha ka horeeya  jaranjarooyinka loo marro  horumarka dhaqan dhaqaale. Haddii aanu raacino ma jirto subax keliya oo Wargeyska laga waayay suuqyada warbaahinta. Ka midha-dhalinta hiigsiga guushuna, waa haddafka koowaad ee Wargeyska Geeska Afrika u taagan-yahay inuu ku haggo ummaddiisa oo aanu la’aanteed jireenba. Waxaana taas fure u ah, hawl-waddeenadda darafyadda kala gadisan ka qabyo-tiray, iyaga oo kaalixaya xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya shacbiga oo keentay in si joogto ah loogu waddaago waaya-aragnimo iyo macluumaad ka turjumaya heerka la marayo  dunida maanta. Waa Wargeyska keliya ee isagoo siddeed sannadood jiray akhristayaashiisa u turjumay 25 buug oo caalami ah oo ay ku duuganyihiin taariikhdo iyo xogo kala duwan oo bulshadeena ka daahnaa. Wuxuu wargeysku mudadaas baahiyay qisooyin kala duwan oo uu tabintooda ku caan baxday kuwaas oo ku qornaa luuqado shisheeye balse luuqadda Somaliga aanu ku turjunay. Dhinaca wararka maxaliga ah wuxuu akhristayaashiisa u soo tabiyay warar iyo dhacdooyin aanay ka war hayn oo ka dhacayay deegaanada kala duwan ee ay ku noolyihiin kuwaas oo la xidhiidhay xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale, diblomaasiyadeed iyo bulsho ee dalkeena.

Wargeyska Geeska Afrika hanaanka dheeliga tiran ee war iyo wacaal-tebintiisu ku  qotonto ayuu ku kasbadday quluubta bulshadda. Taasna waxa ka marag ah, dar-darta aan is dhimin illaa dhalashaddiisii  ee uu ku hogaaminayo saxaafadda Gobolka ka hawl-gasha, gaar ahaana tan Somaliland.

Ka sokow Geeska Afrika, waxa  isna bilaha soo socda ee sannadkan afar jirsanaya Wargeyska kale ee The Horn,  oo ay mataano yihiin, islamarkaana ah toddobaadle ku soo baxa luuqadda Ingiriisida Isniin kasta. Sannadkana waxa laba jirsanaya toddobaadlaha u gaar ah ciyaaraha oo loogu magac daray Ciyaaraha. Waa cadad uu Wargeysku ugu tallo galay bulshada kala duwan ee ku xidhan arrimaha ciyaaraha, waana toddobaadle soo baxa Isniin kasta. Intaas waxa dheer laba shabakadood oo uu Wargeysku ku baahiyo macluumaadkiisa, kuwaas oo kala ah www.geeska.net oo lagu baahiyo wararka Afka Somaliga iyo www.hornnewspaper.com, oo isna lagu baahiyo toddobaadlaha Ingiriisida ah.

Sidaas marka ay tahayna Geeska Afrika, hadda waxa uu u digo roganayaa shabakad warbaahineed oo la isku yidhaahdo Geeska Afrika Media center. Hamiga horumarineed ee Wargeysku kuma koobna intan, waxase u qorshaysan hayaan horumar oo dhinaca warbaahinta ah inuu ku talaabsado.

Wuxuu wargeysku soo dhawaynayaa aragtiyaha iyo aaraahda akhristayaashiisa sharafta badan haddii ay tahay toosin, dhaliil ama naqdi, maxaa yeelay wargeyska Geeska Afrika wuxuu u shaqeeyaa bulshada oo uu iyagana ku quudiyo hadba wixii war iyo wacalaa jira.

Ugu dambayn maamulka sare ee Wargeysku, wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan halwadeenada kala duwan ee Wargeyska Geeska Afrika oo si hagar la’aan ah uga qayb qaatay dhismihiisa iyo kobiciisa, meel ay dunida ka joogaana waxaanu u sheegaynaa inay ummadu abaal ugu hayso dedaalkoodaas.