Wasiirka Ingiriiska U Qaabilsan Afrika Oo Sheegay Inay Xayiraadii Dhinaca Amniga Ka Qaadeen Magalooyinka Hargeysa Iyo Berbera

0
656

Picture8Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan dawlada Ingiriiska Mr.Mark Simmonds ayaa soo gaadhay Hargeysa, waxaanu kulamo la yeeshay madwaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo qaar ka mid ah golahiisa wasiirada.

Wasiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Afrika ayaa si rasmi ah u sheegay inay digniintii dhanka socdaalk ahayd ay ka qadeen Somaliland, gaar ahaan Hargeysa iyo Berbera, waxaanu sida oo kale ka hadlay xidhiidhka dhaw ee ka dhaxeeya Somaliland iyo dalkiisa.

Ugu horayntii wasiirka arimaha dibada Somaliland oo ka hadlaayay waxyaabaha ay ka wada hadleen wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska, ayaa wuxuu  yidhi“Waxaanu halkan ugu mahadnaqaynaa wasiirka oo halkan ugu yimi madaxweynaha inuu la kulmo, waxaanu ka wada hadalnay cilaaqaadka labada dal,kaas oo ah mid taariikhi ah, waxaanu ka wad hadalnay arimaha horumarka, shirka maalgashiga ku lugta leh ee aanu ku qaban doono dalka Ingiriiska, waxaanu ka wada hadalnay sida dadka qurba joogta ah ee reer Somaliland ah ay dalkooda wax u tari lahaayeen,waxaanu ugu mahad naqnay wax tarka ayna siiyaan, waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay inuu wasiirku ku dhawaaqay in cuna qabatayntii dhanka safarka ee aanu mudada dheer ka hadlaynay ee aanu waydiisanaynay inay naga qaadeen, gaar ahaan Hargeysa iyo Bebera, balan waxaanu ka qaadnay in aanu nabada xoojino.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaanu u sheegnay in wasiirka inaanu nahay dad nabad jecel jaararkoodana si fiican ula nool, hasa yeeshee xuudahooda  iyo gooni isku taagoodu uu yahay mid sugan oo aanay cidna u dabo fadhiisanayn, aanay ogalaanayan in dalkan gudihiisa lagu qabto shirar dhibaato u keenaya dalka, waanan u sheegnay in aanan ogalayn hadalada xun ee ka soo baxaaya Puntland, saddex iyo labaatan sanadood ayaanu jirnay nabad ayaanu ku jirnay, waxaanan dawlada Ingiriiska u sheegnay inay nagu ogaadaan nabada.”

Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika Mr.Mark Simmonds ayaa isaguna si rasmi ah u sheegay inay digniintii dhanka amniga ka qaadi doonaan Somaliland gaar ahaan Hargeysa iyo Berbera, isaga oo arimahaas ka hadlaayayna waxa uu yidhi;“Dawladda Ingiriisku waxay si khibrad leh u hubin doonta in qof kasta helo horumarin dhaqaale,dhaqaalahana kor loo qaado iyo shaqo abuurisba in la helo, waxaanan caddayn kara in Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ay ballanqaaday £ 97 milyan LacagtaIngiriiska ah sannadkii la siin doono Somaliland, waxaanan caddayna in barnaamijyo taageero oo joogto ah Somaliland aanu ka fulin doono, gaar ahaan annagoo fulin doono baahiyaha muhiimka ah ee dawladda Somaliland sheegto, si loo hubiyo in qof kasta oo Somaliland ah uu ka faa’iido horumarinta dhaqaale iyo kobcinta dhaqaalaha, iyadoo loo eegaayo baayiha dawladdu tilmaanto.”

Wasiirka Ingiriiska oo warbaahintu waydiisay sababta marka xayiraada socdaalka lagu soo rogo Somaliya ay  Somaliland u raaciyaan, waxa uu ku jawaabay;“Talada safarka ku saabsan waxa loo bixiyey faa’iidada muwaadiniinta Ingiriiska darteed, balse waa arrin cad mararka qaar,mararka qaarna waxa la sheega in cunaqabataynta xagga safarka ee Somaliya la saaray Somaliland ku jirto,waxaan maanta ogeysiiyey Wasiirada Somaliland, inaannu tallaabada qaadno marka aanu fallanqayn caqli gal ah samayno, xaqiiqada eegno, mana aha go’aan siyaasadaysan, balse waa go’aan xaqiiqada ku salaysan, xayiraadii safarkana waxaannu ka qaadaynaa Hargeysa iyo Berbera.”

Hadalkan ayaa u muuqda mid uu Ingiriisku aaminayo ammaanka Somaliland, wuxuuna u muuqdaa inuu si gaar ah ugu kalsoonyahay ammaanka Hargeysa iyo Berbera.