Hargeysa: Wasaaradda Waxbarashada Oo Shahaado Sharaf Gudonsiisay Dugsiga Sare Ee Salaama

0
687

Picture2Hargeysa (Geeska)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiisay Dugsida Sare ee Salaama Secondary School, ka dib markii ay ka qeyb-qaateen lacagna ugu deeqeen Dhismaha Waddooyinka dalka.

Agaasimaha Waxbarashada Gaarka ah ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Muuse Maxamed Cali ayaa maalintii Shalay xarunta Dugsiga sare ee Salaama Secondary Shahaado Sharaf uu ku maamuusayo Dugsiga Salaama qeybta laxaadka leh ee u ka qaatay tabarucaadka Waddooyinka Dalka guddoonsiiyay Shahaado Sharaf Maamulaha Guud ee Dugsiyadda Salaama Nuur Cumar Iidaan. Dugsiga Salaama Secondary ayaa Shahaado Sharaftan ku mutaystay ka dib markii uu hormood ka noqday Dugsiyadda Sare Caasimadda kuna tabarucay Dhismaha Wadooyinka Dalka lacag qadarkeedu dhamaa $2731 (Laba Kun Toddoba Boqol iyo Kaw iyo Soddon oo Dollar).

Xaflad kooban oo ka dhacday xarunta Dugsiga Sare ee Salaama Secondary School ayaa Muuse Maxamed Cali oo ah Agaasimaha Waxbarashada Gaarka uu ku guddoonsiiyay maamulka sare ee Dugsiga, waxaana uu ku nuux-nuuxsaday kuna booriyay Dugsiyada kale inay ku dayasho wacan u tahay talaabada uu qaaday Dugsiga Salaama, waajibna ay tahay inay ku daydaan muujiyaana Wadaninimo, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaan maanta {Shalay} aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan maamulka Dugsiga Sare ee Salaama Secondary School aan guddoonsiiyo Shahaado Sharaf ay ku mutaysteen deeqdii wax ku oolka ahayd ee ugu deeqeen dhismaha waddooyinka dalka, waxaanan jeclahay anoo runtii aad iyo aad mar labaad ugu faraxsan inaan uga mahad-celiyo talaabada ay qaadeen ee ay wadaniyadu ka muuqato, waxay ahayd in Wasiirka Wasaarada Waxbarashadu idin guddoonsiiso Shahaado Sharaftan sidii quruxda badnayd ee aydun idinkuba u guddoonsiiseen deeqdii tabarucaadka ahayd, laakiin way ka cudur daaratay oo hawl qaran ayay idinkaga mashquushay, waxaana ay reer Salaama u soo rajaynaysa mustaqbal wanaagsan iyo horumar” ayuu ku soo koobay hadalkiisi.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadlay ugana mahad-celiyay Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Shahaado Sharafta ay guddoonsiiyeen Maamulaha Guud ee Dugsiyadda Salaama Secondary School Nuur Cumar Iidaan, waxaana uu xusay in Dugsiga Salaama ay ka go’an tahay in wixii awoodiisa ah uu ka qaato tabarucaadka dalka, markastana uu u taagan yahay horumarka iyo difaaca Somaliland.