Dawladda Somaliland Oo La Wareegtay Degmada Taleex Ee Gobalka Sool Iyo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ka Hadlay Qorshaha Ciidanka Qaranka

0
740

Picture8Hargeysa(Geeska)-Ciidamada qaranka Somaliland ayaa shalay si nabadgelyo ah ula wareegay degmada Taleex ee gobalka Sool, waxaana markii ay magaalada galeen ka yaacay maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan kooxda Khaatumo oo halkaas joogay. Ma jirto wax dhibaato ah oo dhacday markii ay ciidamadu la wareegeen deegaanka.

Ciidamada qaranka, ayaa u muuqda inay isku fidinayaan deegaanada gobalka Sool ee xuduudda Somaliland, waxaanay markii ay la wareegeen magaalada laga dareemayay jawi nabadeed iyadoo ay dadku si caadi ah hawlahooda u wateen.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay inay ciidanka qaranku tageen dhulkooda, iyadoo uu ciidan hore u joogay halkaas. ““Horta Ciidanka Qaranku may qabsan ee dhulkoodii degmo ka mid ah ayay tageen,ciidan hore u joogayna wuu jiray,oo ciidanku maaha kan dirayska iyo derajada sita oo kaliya laakiin wuu nocyo badan yahay markaa ciidanka Qaranku hadba halka looga baahdo ayay tegayaan markay hawl galkooda waajib soo dhammaystaanna meel kale ayay tegi karaan,laakiin maaha inay halkaa iska degaan oo daaro ka dhistaan shaqada Ciidanku.” Sidaas waxa yidhi Wasiir Cadami oo shalay u waramay shabakadda wararka ee Gudgude News, waxaanu isagoo ka hadlaya Taleex uu yidhi  “Taleex waa degmo ka tirsan Somaliland tallaabada la qaadayaana waa mid ka mid ah tallaabooyinka  horumarineed ee dalka intiisa kaleba ka socda,imikana dadkii reer Taleex iyo ciidankii oo wada jira oo gacmaha is haysta, ayaa wada jooga.”

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la weydiiyay inay diyaar u yihiin inay Xukuumad ahaan wada hadal la galaan kooxda Khaatumo,ayaa ku jawaabay. “Haa oo waa mid nagu waajib ah in aanu cid kasta oo u diyaar ah wada hadal iyo in lays turxaan bixiyo oo wax tabanaysa inaannu la hadalno oo aanu gogol soo wada fadhiisanno dadkuna waa wada Somaliland,qof kasta oo reer Somaliland ahna waxaanu diyaar u nahay inaanu wixii tabasho ah ee uu qabo inaanu ka bogsiinno.”

Geesta kale maamul goboleedka Puntland ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah ciidamada qaranka Somaliland. Warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirka warfaafinta Puntland, ayaa wuxuu ku sheegay inay cambaraynayaan ciidamada qaranka Somaliland ee Taleex degen, waxaanu sheegay inay qaadi doonaan tallaabo dagaal ah.