Khiyaamo Sababtay In Barak Obama Uu Xayeysiiyo Talefannada SAMSUNG Iyo Jawaabta Guriga Cad

0
823

Picture1Washington (Geeska)- Xiddigga kooxda Red Sox ee kubadda xeegada dalka Maraykanka David Ortiz ayaa salaasadii toddobaadkii hore boggiisa bar-kulanka bulshada ee Twitter ku faafiyey sawir uu kula jiro madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama. Sawirkan oo uu Ortiz madaxweyne Obama la galay mar uu guriga cad booqday, waxa uu Obama kor u hayey garan kuwa kubadda baseball lagu ciyaara ah oo dhabarka uu kaga qoran yahay magaca Obama, sida muuqata xiddigu waxa uu sawirkan ku qaadayey gacantiisa isaga oo adeegsanayey talefankiisa SAMSUNG Note 3, laakiin kamarad kale ayaa sii sawirtay Obama iyo xiddiga oo kor u haya talefankii uu iskula sawirayey Obama.

Sawirkan uu faafiyey xiddigu waxaa markiiba ka faa’idaysatay shirkadda SAMSUNG Galaxy oo u aragtay fursad xayeysiis maadaama oo xiddigan caanka ahi talefankeeda u adeegsanayey in uu isla sawiro madaxweyne Barak Obama. Arrintan waxaa si aad ah uga cadhooday guriga cad oo markiiba soo saaray war-saxaafadeed uu ku caddaynayo in madaxweyne Obama aanu ka war qabin in xiddigu uu shirkadda SAMSUNG hore ula soo galay heshiis xayeysiis oo ah in uu qaabkan iskula soo sawiro Obama.

Sida uu faafiyey talefishanka ABC ee dalka Maraykanku xiddiggani waxa uu shirkadda SAMSUNG la galay heshiis ah in uu madaxweyne Obama la soo galo sawir uu si muuqata ugu adeegsanayo talefanka Galaxy kadibna uu ku faafiyo Twitter ka, taas oo xayeysiis weyn u noqonaysa shirkaddan caalamiga ah ee uu tartanka adag ee dhinaca suuqa ahi ka dhexeeyo shirkadda Apple ee soo saarta talefannada gacanta ee IPhone ka. Xoghayaha warfaafinta ee Guriga Cad Jay Carney ayaa yidhi, “In madaxweynaha looga faa’idaysto ujeeddo xayeysiis ganacsi ahi waa arrin aan la aqbali karin” Laakiin xoghayuhu ma’ uu sheegin waxa ay yeelayaan iyo in uu guriga cadi wax tallaabo ah oo dhinaca sharciga ah ka qaadanayo xiddigan iyo shirkadda midna. Laakiin Dan Pfeiffer oo la-taliye sare u ah Obama ayaa sheegay in ay shirkadda SAMSUNG kala hadleen arrinta sawirkan isla markaana sharci-yaqaannada guriga cad kala sheekaysan doonaan tallaabada ugu habboon ee ay tahay in laga qaato sawirkan oo markii uu muddo aad u gaaban ku jiray Internetka tirada dadka eegay ama ka faallooday ay kor u dhaaftay 40 kun oo ruux.

Shirkadda SAMSUNG oo faallo ka bixisay sawirkan oo ay ku baahisay bogga ay ku leedahay bar-kulanka bulshada ee twitter ayaa tidhi, “Waa farxad aad u weyn in aad aragto daqiiqadahan qiimaha leh ee taariikhiga ah in uu David Ortiz  uu sawirkan ku qaaday talafanka Galaxy Note 3” dhinaca kalana Ortiz oo arrintan ka hadlay ayaa qiray in uu heshiis xayeysiis kula jiray shirkadda SAMSUNG balse waxa uu dafiray in sawirkani uu qayb ka ahaa heshiiskaas, waxa aanu ku dooday in uu ahaa sawir si kedis ah uun u soo maray.