Dawladda Kuwayt Oo Maamulka Puntland U Gacangelisay 4 Milyan Oo Dollar Oo Lagu Dhisay Jaamacada Gobalka Badhan

0
609

Picture5Dubai(Geeska)-Dawladda Kuwayt ayaa saxeexday heshiis ay maamulka Puntland ee Somaliya ugu gacen gelinayso lacag dhan 4-milyan oo doolarka Maraykanka ah oo lagu dhisayo jaamacadda Badhan ee gobalka Badhan ee bariga Somaliland.

Heshiiska  oo ka dhacay magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, waxa dhinaca Puntland u saxeexay Wasiirka maaliyadda Shire Xaaji Faarax, halka dhinaca Kuwayt uu saxeexay mr. Nabiil oo ka socday shirkadda Marco ee qaadatay qandaraaska dhismaha jaamacadda Badhan iyo weliba madaarka Garowe oo ay isna ku bixi doonto 6 milyan oo dollar. Waxaanay shirkadda Marco balan qaaday inay deg deg u bilaabi doono dhismayaashan.

Talaabadan ayaa muujinaysa farogelin qaawan oo ay dawladda kuwayt ku samaysay siyaasadda dhuleed ee Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa hore dawladda Kuwayt uga heshay deeq lacageed oo lagu maalgeliyay madaarada Berbera iyo Hargeysa. Laakiin talaabadan dawladda Kuwayt ayaa u muuqata mid halisteeda leh, waxaanay noqonaysaa dawladda Kuwayt dalkii u horeeyay ee dhul ay Somaliland leedahay kala xaajooda maamul goboleedka Puntland ee Somaliya. Wargeyska Geeska Afrika ayaa sannadkii hore baahiyay halista heshiiskan markii ay dawladda Kuwaytgo’aansatay inay lacagta dhismaha jaamacadda Badhan gacanta u geliso maamulka Puntland.