Xisbiga UCID Oo Si Adag U Cambaareeyay Xadhiga Ardayda Jaamacada Hargeysa

0
584

Picture1Hargeysa(Geeska)- Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa xukuumadda ugu baaqay inay xoriyadooda u soo celiso ardayda la xidhxidhay ee jaamacada Hargeysa, sida oo kale waxa ay xukuumadda u soo jeediyeen inay ka waantowdo shacbiga loo adeegsanayo ciidamadda RRU-da.

Sida oo kale xisbigu Ucid waxa uu canbaareeyay jidhdil iyo sida oo kale dhibaataynta ardaydaas, waxaanay sidan ku sheegeen shir jaraa’id oo ay warbaahinta kula hadleen.Ugu horayn xoghayaha maaliyada Ucid Marwo Faadumo Siciid oo ka hadlaysa mudaharaadkii ay dhigeen ardayda jaamacada Hargeysa ayaa waxay tidhi “Falkii xumaa ee dhalinyarada Somaliland ee muwaadiniinta ahaa  sida xun loo galay ee jidh dilka aadka u foosha xun lagu sameeyey xabsiyadana lagu  guray ee ciidanka RRU-da  iyo SPU-da loo dalbaday waxaanay noqotay mid aad uga xumaadeen mujtamaha Somaliland gudo iyo debadba.Dhalinyaradu way diidi karaan wax mudaharaadna way samayn karaan waana xaq uu qofku leeyahay inuu sameeyo marka uu wax ka dhiidhiyayo, boodhadhkoodii ayey wateen mudaharaad salmi ahna  way wadeen, waanu la yaabanahay sababta loogu dhigay ciidanka RRU-da oo loogu tala galay argagixisada, ciidanka SPU-dana waxa loogu tala galay inay sugaan nabad galyada dadka ajanabiga ah ee wadanka ku sugan laakiin looguma tala galin in loo adeegsado dhalinyarada Somaliland.” Faadumo Siciid oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi“Wasiirka waxbarashada waxaan u dirayaa fariin, wakhtigii aad mucaaridka ahayd waxaad ka shaqayn jirtay xuquuqal iinsaanka waxaanad u doodi jirtay dhalinyarada, haweenkana waad u doodi jirtay, markii aad kursiga ku fadhiisatay ayaad ilawday wixii aad u doodi jirtay oo aad xaga danbe ka xoortay, caruurtan yar yar ee aad sidan ku samaynaysaan maaha caruur cidla laga soo helay ama tukaan laga soo iibsaday hooyo ayaa u dhibaatooday, shalayna waxaanu xasuusay dhalinyaradii UFO, UFO-na waxay  ahayd dhalinyaro dugsiyadii ka soo rawaxay oo mudaharaaday ayaa beerka xabad lagala dhacay taasna waad na xasuusiseen, jidhkii ayaa diiday inaanu dhagaysano oo aanu maqalno caruurta masaakiinta ah qayladooda, hablihii sida asluubta leh loo saari lahaa baabuurka oo si arxan daro ah loola dhaqmayo.Anagu  khaatiyaan ayaanu taaganahay mana ogolin in caruurtayada maalin kasta maydkooda ama dhaawacooda meel laga qaado, falkii shalay ee Berbera ayeynu ogayn, falkii caruurtii Xaqsoor meel walba lagu balan baliyey ayeynu ogayn, waxaynu arkay tii cusbitaalka dabadiisa ka dhacday, ma waxaynu ku jiraynaa shantaas sanadood ee uu Kulmiye dalka Haysto inaynu geeri uun u taagnaano,ma tacsi ayeynu u taagnaan, caruurtana ma xabad uun baa laga ilaalin, waxaan leeyahay xukuumadda waxan dib ha looga noqdo, dadweynahana waxaan leeyahay askarta haw cadhoonina waayo amar ayey qabaan, askariguna danbi ma laha danbigana waxa iska leh cidii amarka soo siisay oo ah madaxweynaha, wasiirada iyo inta la hal maala.”

Sidoo kale xoghayaha  xidhiidhika gobolada iyo degmooyinka ee xisbiga Ucid Cabdiqani Ibraahin Yuusuf (Kabtanka) oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa isaguna dhankiisa yidhi “Waxaanu halkan canbaaraynaynaa ku dhacay ardayda jaamacada Hargeysa ee ardayda lagu sigay laguna khatar galiyey, ilaahay ayaana mahad leh haddii aanay arday halkaas ku dhiman, waayo rasaas ayaa la’la dhacay waxaan  loo adeegsaday ciidan tababaran, waxaanad moodaa in dawlada wakhtigan dalka ka talisaa inaanay naxariisba u ahayn ardayda iyo dadka shacabka toona, waxa kale oo aanu canbaaraynaynaa xadhiga ardayda loo gaystay, waxaanan leenahay waa in xoriyadooda loo soo celiyaa.” Xoghayaha warfaafinta Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa isaguna dhankiisa eedaymo musuqmaasuq u jeediyay wasiirka macdanta iyo tamarta.