Ardayda Jaamacada Hargeysa Oo Mudaharaad Ka Muujiyey Lacago Lagu Kordhiyey

0
650

breaking newsHargeysa (Geeska)- Ardayda jaamacada Hargeysa ayaa saaka mudaharaad balaadhan ka sameeyey barxada hore ee jaamacada Hargeysa, kuwaas oo kaga soo hor jeeda lacago dheeraad oo maamulku ku kordhiyey ardayda qaar ka mida, kuwaas oo rabay inay cabasho la hortagaan wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare

Ardayda mudaharaadka dhigaayey ayaa waxaa soo gaadhay ciidanka booliska ee Hargaysa, waxaana lagu kala kaxeeyey rasaas laga maqalaayey nawaaxiga jaamacada.

Booliska ayaa xidh xidhay qaar ka mida ardayda jaamacada, kuwaas oo aan ilaa hada la ogayn tirada la xidhay.