Sharciyada Ugu Yaabka Badan Ee Dunida Ka Jira

0
1696

5871. Xeerka xanjo calaalinta: Sharciga dalka Singapore waxa uu mamnuucayaa in xanjo la calaashado. Sababta dalkaas qaniga ahi uu dadka ku dhaqan uga mamnuucay xanjaduna waa kharashada iyo hawsha badan eek u baxaysa nadiifinta xanjadaas marka dhulka lagu tuuro ee ay ku dhegto, sidoo kale waxa ay xanjadu keentaa in haddii lagu tufo meelaha tareennada is-wadaa ka baxaan in albaabadu ay xannibmaan.

2. Waa mamnuuc in aad laydhka gaadhigaaga bakhtiisaa: Sharciga wado marista ee dalka Denmark waxa uu mamnuucayaa in darawalku uu bakhtiiyo indhaha hore (Laydhadka hore) ee gaadhiga, xataa marka ay maalinta tahay. Darawalka lagu qabto isaga oo laydhkaasi u bakhtiisan yahayna waxaa laga qaadaa ganaax lacageed oo u dhigma boqol doolar oo Maraykan ah. Daraasad dhowaan lagu sameeyey dalkaas oo barafka iyo ceeryaantu ku badan yihiin ayaa daahfurtay in shidista laydhadhka hore ay aad u yaraysay xaddiga shilalka gaadiidka.

3. Qishka Imtixaanka: Dalka Bangladesh waxaa ka jira sharci dhigaya in arday kasta oo da’diisu ka weyn tahay 15 sano oo lagu qabto qishka imtixaanaadka nihaayiga ah ay ciqaabtiisu noqonayso xabsi.  Sidaa awgeed sannad kasta marka imtixaanku soo dhowaado dowladdu waxa ay qaaddaa ol’ole wacyi gelin ah oo ay waalidiinta iyo ardaydaba ku xasuusinayso sharcigaas iyo ciqaabta uu dhigayo ee qishka imtixaanka.

4. Iska jir in aad xayawaanka midab mariso!: Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka waxaa ka jira sharci qaddiimi ah oo mamnuuc ka dhigaya in midab nooca uu doono ha ahaado ee la mariyo shimbiraha iyo bakaylayaasha la iibinayo. Sharcigaasi waxa uu khuseeyaa shakhsiga keliya iyo shirkadaha labadaba.

5. Lacagta qadaadiicda ah: Dalka Kanada waxaa ka jira sharci mamnuuc ka dhigaya in qofka wax iibsanayaa uu lacagta laga rabo oo dhan ku bixiyo qadaadiic, waxaa qasab ah in haddii uu qadaadiic bixinayo in uu ku dhex daro qayb lacag waraaqa ah. Sidoo kale waxa uu sharcigani dhigayaa in qofka wax iibinayaa u uxaq u leeyahay in uu qofka uu ka iibinayo ka dalbado nooca lacageed ee uu isagu doonayo. (Tusaale ahaan in uu lacag isku dhegsan siinayo)

6. Dumarka iyo surwaalka: Sannadkii 1800 waxaa dalka Faransiiska laga soo saaray sharci mamnuuc ka dhigaya in gabadhu ay ku labbisato surwaal, laakiin sannadkii 1892kii ayaa uu haddana soo baxay sharci kale oo dumarka u ogolaanaya in ay surwaal xidhan karaan marka ay fardaha fuulayaan, laakiin haddana sannadkii 1909kii waxaa lagu daray sharcigan in dumarku ay surwaalka xidhan karaan marka ay baaskiilka iyo mootooyinka fuulayaan. In kasta oo uu sharcigan qaddiimka ahi weli dhaqangal ka yahay dalka Faransiiska oo aan la beddelin lana laalin, haddana qarnigii u dambeeyey cidi kuma ay dhaqmayn oo dumarku si caadiya ayaa ay saraawiisha ugu xaragoodaan.

7. Mataanuhu waa mamnuuc: hoggaamiyihii dalka China ee Dong Sheua Ping ayaa sannadkii 1979kii soo saaray sharciga dalkaas weli ka jira ee dhigaya in qoysku uu ilmo keliya dhali karo, taas oo uu uga gol lahaa in la xakameeyo korodhka xawliga ah ee dadka dalkaasi ku socdeen. Sharcigaas waxaa ka dhashay in dhalashada mataanuhu ay xaaraan ka tahay dalkaas.

8. Tacsida Lama cuni karo tiro ka badan 3 xabo oo Saanwiij ah: Gobolka Massachusetts ee dalka Maraykanka waxaa ka jira sharci mamnuuc ka dhigaya in dadka jinaasada ka so oqayb galaa ay cunaan wax ka badan saddex midh oo ah Saanwiijka jinaasada lagu bixiyo. Sharcigan waxa uu dhigayaa in qofka la qabto isaga oo saddex ka baxsaday loo aqoonsanayo in uu galay dembi madani ah oo maxkamadda lagu geeyo.