Faallo Malaha: Ku Fasiro Waaqacaaga…

0
1052

twoWaxa jiri jiray laba bukaan jiif oo cisbitaal kelidood ka yaallay isku qol. Labadan nin waxa hayey cudur ku dhaca xubnaha iyo muruqyada oo xoog-tira qofka uu ku dhaco, kaas oo labdan nin ka dhigay sariir-yaal. Labadan nin midkood waxa loo ogolaa in uu maalintii sara fadhiisto hal saac, halka kan kalana lagu amray in inta daweyntu u socoto aanu kicin. Nasiib wanaag sariirta ninkan fadhiga loo ogol yahay waxa ay ku beegan tahay daaqadda keliya ee uu qolku leeyahay. Labadan bukaan waxa ay waqtigooda intiisa badan isku dhaafin jireen haasaawe iyo sheeko, laakiin, in kasta oo intaa ay wada hadlayaan aanay is arki karayn, maadaama oo mid waliba uu jiifo labadooda sariiroodna kala gudban yihiin.

Muddo ayaa ay wada yaalleen qolkan si fiican ayaanay isu barteen isuna xaal iyo taariikh waraysteen. Maalin kasta marka ay galab noqoto, kooda saacadda fadhiga ah loo ogol yahay inta uu fadhiisto ayuu daaqadda oo wejigiisa ku beegan u jeesan jiray, saaxiibkiisan dhabarka u jiifa oo isagu waxa keliya ee uu arkaa yahay siliigga qolka ayaa uu uga warami jiray dibadda iyo dunida qolkoodan ka baxsan, waxa ay ahayd saacad ay labadooduba xiiseeyaan, gaar ahaan kan aan loo ogolayn inuu fadhiistaa waxa uu ka heli jiray nolosha dibadda, quruxdii uu ku ogaa ayaanay niddiisu marnaba illaabin, sheekada saaxiibkiisanina waxa ay noloshiisa gelinaysay rajo iyo rayn-rayn badan, ninkan fadhiga loo ogol yahay waxa uu ka sheekayn jiray, in uu arko, "Beer qurux badan, bad yar oo lagu dabbaasho oo ku dhex taalla, shimbir badeedyo badan" Waxa uu uga sheekayn jiray inuu arko, "Carruur yar yar oo inta ay laashash samaysteen ku dhex jira baddan yar, dabbaalanaya oo biyaha ku dhex ciyaaraya… Nin wata laash yar oo aad u qurux badan oo dadka ka kiraynaya si uu hore ugu geliyo bad weynta oo ay dalxiis ka dayayaan… rag iyo xaasaskoodii oo inta ya carruurtoodii soo kaxaysteen u soo laydhsi tegey neecawda udgoon ee beerta iyo laydha qabow ee baddani samaynayso… dad dhalinyaro ah oo geedaha hadhaca ah ku hoos sheekaysanaya, kuna maararoobaya noocyada kala duwan ee ciyaaraha fudud… ubaxyo kun midab ah.. cirka oo leh muuqaal qurux badan, daruur aan wada daboolinna ay ku xardhan tahay inta bannaanina buluug qurux badan tahay…"

Sheekooyinkan quruxda badan iyo muuqaalladan uu ka sheekaynayo ninkani waxa ay farxad iyo rajo wanaag badan ku abuuri jireen ninkan jiifa, waxa ay illawsiin jireen muuqaalka keliya ee indhihiisa daashaday oo ahaa siliig aad u uskaga badan… Mararka qaarkood inta uu indhaha isku qabto ayuu sawiran jiray muuqaallada uu saaxiibkiisan fadhiyaa ka waramayo markaasuu ka soo qaadi jiray inuu noloshaa uu saaxiibkii ka waramayo ku dhex jiro. Waxa dhacday in uu mar uga sheekeeyey bandhig ciidan iyo gaardis uu arkayo in kasta oo ninkan jiifaa aanu maqlayn wax durbaanno iyo miyuusig ah, haddana waxa uu sawiranayey inuu arkayo.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay gabadhii neeraska ahayd ogaatay in ninkii bukaanka ahaa ee saacadda fadhiga ah loo ogolaa uu geeriyooday. Ninkan dhintay saaxiibkiisii qolka kula jiray ee sheekooyinkiisa xiisayn jirayna waxa uu ku war helay, dhaq-dhaqaaqa iyo sheekada neerasta, waxaana mar dambe loo sheegay inuu saaxiibkii geeriyooday. Murugo badan iyo waayo adag ayaa soo food saaray, waxa uu waayey wehel maaweelin jiray iyo saaxiib ku dheeraa oo wax badan oo dhib ah illowsiin jiray. Maalin kasta marka saacaddii la joogo ayaa uu xasuusan jiray saaxiibkii iyo muuqaalladii yidi-diillada lahaa ee uu uga warrami jiray, muddo markii uu yaallay ayuu ka dalbaday neerastii inay u raraan sariirtii uu jiifi jiray saaxiibkiisii geeriyooday ee ku beegnayd daaqadda. Waa loo ogolaaday sariirtii ayaana lagu raray. Maalin maalmaha ka mid ah oo uu aad u xasuustay saaxiibkii ayaa uu go'aansaday inuu is tahbiibo si uu u saro fadhiisto una arko muuqaalladii uu saaxiibkii uga warrami jiray, dirqi iyo is kallifaad kadib wuu yara sara fadhiistay si toos ahna u eegay daaqaddii uu saaxiibkii dunida uga arki jiray oo ku beegnayd. Laakiin waxa uu la kulmay arrin uu aad uga yaabay!

Markii uu eegay daaqaddii saaxiibkii eegi jiray waxa uu arkay gidaar dheer oo ku wareegsan cisbitaalka, waxa uu ogaaday in qolka uu ku jiraa ku dhex yaallay deyr weyn oo ku wareegsan cisbitaalka, daaqadduna ay ku beegan tahay gidaarka deyrkaas, qof kasta oo eegaana waxa keliya ee uu arki karaa uu yahay gidaarkaas u baahan dayactirka ee ku wareegsan cisbitaalka. Ninkii waxa uu u yeedhay Neerastii waxaanu weydiiyey bal in daaqaddani tahay tii uu saaxiibkii eegi jiray, gabadhii neerasta ahaydna waxa ay ugu jawaabtay, in tan ay tahay daaqaddii saaxiibkii isla markaana aanu qolku lahayn daaqad kalaba. Gabadhii Neerasta ahayd ayaa weydiisay ninkan sababta uu daaqaddan u weydiiyey, waxaanu u sheegay sheekadii oo dhan iyo muuqaalladii uu saaxiibkii u sheegi jiray inuu daaqaddan ka arko, gabadhii Neerasta ahayd waxa ay yaabtay yaab ka sii badan kii ninkan hayey, waxa aanay u sheegtay in saaxiibkiisa geeriyooday uu indho la'aa. Oo aanu xataa arki karayn gidaarkan uu isagu arkayo.