Guddoomiye Cirro Oo La Kulmay Raysalwasaare Xigeenka Ingiriiska Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

0
567

Picture6London(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa kulan la yeeshay raysalwasaare xigeenka Ingiriiska Mr.  Nick Clegg, waxaanay ku kulmeen magaalada Sheffield oo laga soo doorto raysalwasaare xigeenka.

Guddoomiye Cirro iyo wefti ka tirsan xisbiga Waddani oo uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Sheffield oo ah degmadii u horaysay ee aqoonsatay Somaliland, waxaanay xafiiskiisa magaalada Sheffield kula kulmeen Mr.Nick, waxaanu Mr. Cirro raysalwasaare xigeenka ka codsaday inay xukuumadooda iyo Baarlamaankuba taageeraan go’aanka golaha deegaanka Sheffield. Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay taageerada ay dawladiisu siiso Somaliland.

Md. Cirro, waxa kale oo uu u mahadceliyay dadweynaha reer Somaliland ee magaalada Sheffield, kuwaas oo uu sheegay inay kaalin weyn kaga jiraan ictiraaf raadinta Somaliland.

Guddoomiye Cirro, waa markii u horaysay ee uu la kulmo masuul xilkan oo kale ka haya dawladda Ingiriiska, waxaana kulanka ku weheliyay xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog iyo xildhibaan Rayte, oo labaduba ka tirsan xisbiga Waddani.