“Man United Wax Walba Oo Ay Samayso Kama Badin Karto Bayern Munich” Robben

0
823

Picture1Super Star-ka naadiga Bayern Munich Arjen Robben ayaa fariin culus u diray kooxda Manchester United ka hor kulanka ay Caawa garoonkeeda Old Trafford ku qaabili doonto naadiga Bayern wuxuuna xiddiga reer Holland ka dagaalay dhanka maskaxda kooxda United, maadaama uu ka dhawaajiyay in kooxda reer England aanay lahayn awood ay kaga badiso naadiga koobka horyaalada Yurub difaacanaya, wuxuuna Robben yidhi “Bayern wax cabsi ah kama qabto Manchester sidoo kale waxaan u sheegaa taageerayaasha United inay iska iloobaan kulanka Old Trafford ka dhici doono waayo Man United kama badin karto Bayern wax walba oo ay samayso”.

Robben ayaa u muuqda inuu ka jawaabayo hadalkii dhawaan ka soo yeedhay macalin David Moyes kaasi oo sheegay in Man United ay garoonka Old Trafford ku ciqaabi doonto, inkasta oo Bayern toddobaadkan bar-bar dhac 3-3 garoonkeeda Allianza Arena kula gashay naadiga Hoffeinham kulan ka tirsanaa Bundesligaha Jarmalka haddana Bayern waxay doonaysa in kulankeedii 8-aad oo xidhiidh ah ku badiso meel ka baxsan garoonkeeda koobka horyaalada Yurub waxaana xusid mudan in 7-kulan oo ay hore u soo badisay 3-ka mid ah ay dalka England ku badisay waayo kooxda Arsenal laba jeer ayay Emirates kaga badisay halka Man City ay sidoo kale Etihad ku garaacday muddo 12-bilood gudahooda sidaa darteed Arjen Robben ayaa ka dhawaajiyay in Bayern Munich ay garoonka Old Trafford ku qaadan doonto dhibcaha kulanka ka tirsan wareega 8-aad ee koobka Champions-ka lugtiisa 1-aad oo Caawa dhici doona.