Shilkii Ugu Xumaa Ee Ciyaartoy Muhiim Ahi Uu Galo Imisaa Ku Dhimatay – (Bal Qiyaas..?)

0
1198

gaadhiLaacibka u dhashay dalka Koonfur Afrika Rooi Mahamutsa ayaa galay shil aad u xun oo wal-wal kugu abuuraya taas oo keentay in gaadhigiisa hore ilaa xaga dambe ay ka dul baxday bir weyn oo jidka dhinaciisa ku taalay. Mahamutsa ayaa waday gaadhiga, wuxuuna ku socday xawaare aad u sareeya dhulkana wuxuu ahaa mid qoyan ka dib gaadhigii ayaa siibtay oo wuxuu gabay inuu xukumo taas oo keentay in gaadhiga iskii isku leexiyo. Laacibkan heerka Qaran gaadhigiisa BMW3-Series ayaa gabi ahaanba baaba’ay, waxaase nasiib wanaag ahayd in darawalka gaadhiga oo ahaa ciyaar yahankan uu ka badbaaday lugahiisana uu kaga soo baxay gaadhiga.

Rooi ayaa u ciyaara naadiga Orlando Pirates, waxaana la yaab ah marka aad aragto sawirada yaabka leh iyo sida uu ugu badbaaday. 32-jirkan ayaa markii uu ka badbaaday shilkan lugtiisa ku tegay dhakhtarka Morningside Hospital halkaas oo saacado ka dib uu ku laabtay hoygiisa dhaawaca soo gaadhay oo khafiif ahaa awgiis. Shilkan ayaa ka dhacay agagaarka Marlboro oo ku taala magaalada Johannesburg. Laacibkan ayaa ku guuleystay saddex koob oo uu kula guuleystay xulkiisa Bafana Bafana.