9 Diblumaasi Oo Ruush Ah Oo Bilo Gudahood Dhintay, Sababta Dhimashada Oo Isku Mid Ah Iyo Dareenka Ka Dhashay

0
924

Moosko (Geeska)- Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa bishii hore ku dhawaaqday dhimashada danjirihii dalka Ruushka u fadhiyey dalka Suudaan. War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa lagu sheegay in danjire Mirgayas Shirinsky oo 64 jir ahaa maydkiisa laga dhex helay barkad lagu dabbaasho oo ku dhex taalla guriga uu ka deggenaa magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka oo lagu magacaabo Maria ayaa iyada oo ka hadlaysa dhimashadan aan la garan sababteeda waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Waxa aanu aad uga xunnahay in aanu idin ogeysiinno dhimashada Mirgayas Shirinsky oo ahaa danjiraha Ruushka u fadihiya dalka Suudaan. Danjiruhu arbacadii 23ka Ogos ayaa uu ku dhex dhintay guriga uu ka deggenaa magaalada Khartuun ee caasimadda Suudaan”

In kasta oo la sheegay in dembibaadheyaasha Suudaan iyo khubaro Ruushka ka socotaa ay weli ku gudo jiraan baadhista sababta dhimashada danjiraha, isla markaana ay wax caadiya oo marar badan dhaca tahay in qofku si kedis ah u dhinto, haddana arrintan waxa macnaha gaarka ah u yeelaya ayaa ah in danjire Shirinsky uu noqonayo diblumaasigii sagaalaad ee Ruush ah, ee sababo aan la garan si kedis ah ugu geeriyooday sannad  gudihii”

Xoghayaha labaad ee safaaradda Ruushku ku leeyahay Khartuum, oo lagu magacaabo Sergey Konyashin ayaa mar uu la hadlay wakaaladda warar ee dawladda Ruushka RIA Novosti waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Maydka danjiruhu hadda cisbitaalka magaalada Khartuum ayaa uu yaallaa, xeeldheerayaal ayaana baadhaya dhacdadan”

Xoghayuhu waxa uu caddeeyey in, “Maydka danjiruhu uu ku jiro tallaagadda maydka ee cisbitaal jaamacadeed oo ku yaalla magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan” Isaga oo intaas ku sii daray, “In safiirku uu wadne istaag ugu dhex dhintay gurigiisa”

Dhimashada danjire Sergey ayaa sagaal ka dhigaysa tirada diblumaasiyiinta dalal kala duwan ee dunida ah u joogay Ruushka ee intii ka dambaysay doorashadii madaxweynenimada Maraykanka oo dhacday dabayaaqadii sannadkii hore si kedis ah iyaga oo mayd ah looga dhex helay xafiisyadooda ama guryihii ay deggenaayeen.

Ka bilow, arroortii hore ee maalintii doorashada madaxtooyada Maraykanka. Waxaa qunsuliyadda Ruushka ee New York laga dhex helay Sergei Krivov oo 63 jir ahaa, isaga oo miyr la’ oo dhulka yaalla madaxana nabar kaga yaallo, muddo yar kadib waa uu dhintay masuuliyiinta Ruushkuna waxa ay sheegeen in uu u dhintay wadne istaag. Bishii xigtay ee Diisambar safiirkii Ruushka ee Turkiga fadhiyey, Andrey Karlov oo ahaa 62 ayaa nin dhabarka dambe kaga yimid uu toogtay xilli uu safiirku furayey carwo sawirro Ruush ah lagu soo bandhigayey, magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Isla maalintii uu danjirahan dilay askari ka tirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Turkiga, ayaa uu Ruushku shaaciyey dhimashada diblumaasi kale oo ahaa Petre Palshikov. Diblumaasigan oo ahaa ruugcaddaa ixtiraam ku dhex lahaa diblumaasiyadda Ruushka ayaa ay dawladdu sheegtay in maydkiisa oo xabbadi ku taallo laga helay guriga uu ka deggenaa magaalada Moosko ee caasimadda Ruushka. Petre Polshikov oo 56 jir ahaa, markan uu dhintay waxa uu madax u ahaa lataliyeyaasha wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan qaaradda Laatiin Ameerika.

Isla bishan waxaa maydkiisa la helay Oleg Erovinkin oo hore madax uga ahaan jiray wakaaladdii sirdoonka Midowga Soofiyati ee KGB. Masuulkan oo 61 jir ahaa ayaa la aaminsan yahay in xog muhiim ah oo la xidhiidha xidhiidhka sirdoonka Ruushka iyo madaxweyne Trump uu siiyey Christopher Steele oo ah sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Ingiriiska ee MI6.

Oleg oo magaalada Moosko maydkiisa oo dhabarka xabbadi kaga taalo laga dhex helay gaadhigiisa waxa uu hore gacanyare muhiim ah ugu ahaa raysalwasaare ku xigeenka Ruushka, xogta laga shakisan yahay in uu sirdoonka Ingiriiska siiyeyna waxa ay la xidhiidhaa siro dhowaan soo shaacbaxay oo sheegaya in sirdoonka Ruushku uu madaxweyne Trump ka hayo siro khatar ah oo ay ugu hanjabaan in haddii aanu u dabcin Ruushka ay fashilin doonaan.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in warbixintii ay dawladda Ruushku ka soo saartay dhimashada masuulkan lagu sheegay in aanu u dhiman dhaawaca xabadda balse uu wadne istaag u dhintay.

Bishii xigtay ee Jeenaweri qunsulkii Ruushka ee magaalada Athens ee caasimadda dalka Giriigga Andrei Malanin oo 55 sano jir ahaa ayaa maydkiisa laga helay xamaamka maydhashada ee ku dhex yaallay qolkiisa hurdada, waxa aanu booliisku sheegay in dhimashadaasi ay u muuqatay mid dabiici ah.

Isla bishan jeenaweri markii ay 27 ahayd ayaa madaxweynaha Ruushku uu soo saaray dhambaal tacsi ah oo uu u dirayo Alexander Kadakin oo ahaa danjireihii ruushka u fadhiyey dalka Hindiya. Danjire Kadakin oo ahaa diblumaasi ruugcaddaa ah oo 68 sano jiray waxaa dhimashadiisa lagu sababeeyey wadne istaag.

Madaxweynaha Ruushka ayaa dhambaalkiisa tacsida ahaa ku sheegay in dhimashada danjiruhu godweyn ku bannaysay diblumaasiyadda dibadda ee Ruushka. Laakiin marnaba lama sheegin sababta uu u dhintay iyo in ay jiraan natiijooyin ka soo baxay haddii baadhis arrintan lagu sameeyey.

Bishii xigtay oo ahayd Feebarweri, danjire Vitaly Churkin oo ruushka qaramada Midoobey u fadhiyey muddo toban sano ah ayaa xafiiskiisa ku dhex geeriyooday, baadhitaannadii dawladda Ruushkuna waxa ay ku soo dhammaadeen in danjiruhu uu u dhintay wadne istaag, laakiin dhakhtarkii New York ku baadhay maydka danjire Vitaly waxa uu muujiyey dareen la xidhiidha suurtogalnimada in Churkin la sumeeyey, waxa aanu ku taliyey shaybaadh arrintaa la xidhiidha, laakiin cidi kama ay hoos qaadin.

Masuuliyiintan oo shaqada diblumaasiyadda iyo sababta dhimashadooda lagu sheegay ka siman, isla markaana dhammaantood ahaa rag ruugcaddaa ku ahaa diblumaasiyadda Ruushka iyo diblumaasiyiin kale oo iyagu aan darajadaas gaadhsiisnayn oo waqtiyo kala duwan sidan si u eeg u dhintay ayaa dunida ka abuuray shaki ah in uu jiro qorshe qarsoon oo si ku talogal ah masuuliyiintan loogu nadiifiyey. Taas oo dadka qaarna ku xidhiidhiyaan in arrintan uu ku lug leeyahay sirdoonka Ruushka oo si weyn u gacansiiya madaxweynaha Vladimir Putin oo mar madax u ahaan jiray.