6 Rakaab Ah Ayaa Kaftan Ay Yidhaahdeen Sababay In Laga Dejiyo Diyaaraddii Loona Gudbiyey Xabsiga

0
993

Buruselis (Geeska)- Ciidamada ammaanka ee dalka Beljam ayaa xabsiga u taxaabay shan nin oo ka mid ahaa rakaabka diyaarad ay leedahay shirkadda dalka Ireland laga leeyahay ee Ryan Air kadib markii laga maqlay ereyo tilmaamaya in diyaaradda ay saarantahay bamboo.

Warkan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa wargeyska Telegraph uu ku sheegay in diyaaraddani ay ka duuli lahayd gegida Saafintam ee magaalada Baraasalis kuna jihaysnayd magaalada Madrid ee xarunta dalka Isbayn, maalinnimadii sabtida ee toddobaadkan laakiin uu duulimaadku dhowr saacadood dib u dhacay arrintan darteed.

Booliiska ayaa inta ay diyaaradda gudaha u soo galeen rakaabkii saarnaa ka daadgureeyey kadibna baadhis adag ku sameeyey diyaaradda gudaheeda iyo shandadihii ay dadka rakaabka ahi siteen.

Booliiska oo markii dambe arrintan ka hadlay ayaa warbaahinta u sheegay in xabsiga ay u taxaabeen sagaal nin oo sitay baasaboorka dalka Beljam, kadib markii laga maqlay ereyo amni ahaan loo fahmay in ay ishaarayaan walxo qarxa oo diyaaradda saaraan. Laakiin waxaa baadhistii kadib booliiska u caddaatay in raggani ay ereyadan kaftan ka dayayeen. “Duuliyeyaasha diyaaradda ayaa ku adkaystay in aanay diyaaradda kicinayn haddii aan xabsiga loo taxaabin sagaalkan nin, oo ay ku eedaynayeen in ay is-dhex-yaac diyaaradda ka dhex abuureen, rakaabkana aad u cabsi geliyeen” ayaa uu booliisku sheegay.

Intii ka dambaysay weerarradii sannadkii 2001 dii lagu qaaday Maraykanka ee loo adeegsaday diyaaradaha la afduubay, waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka diyaaradaha adduunka, waxa aana xasaasi ah gebi ahaanba wax kasta oo shaki amni darro abuuri kara.