6 Qormo Oo Sannadkii U Dambeeyey Ugu Akhris Badnaa Googooska (1): Dardaarankii Uu Madaxweyne Erdogan Siiyey Inantiisa Oo Aroosad Ah Iyo Ogeysiiska Martida

0
556

1Istanbul (Geeska)- Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa bishii Shanaad (May) 14keeda waxa uu si muuqata uga qayb qaatay xafladda meher ee inantiisa Sumayah Rajab Dayib Erdogan iyo saygeedka cusub ee Saljuuq Biirqadaar oo ka dhacay magaalada Istanbul.

Xaflad si aad u heer sarraysa loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen madax iyo hoggaamiyeyaal kala duwan oo dunida iyo dalkaba ah ayaa sida uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Quds oo ka soo baxa dalka Ingiriiska waxa uu Madaxweyne Erdogan ka jeediyey khudbad dad badan dareenkooda taabatay oo uu inantiisa ugu soo hal-qabsanayey ereyga ah, “Ilayskii indhahaygaay” Erdogan waxa uu munaasabaddan arooska inantiisa iyo saygeedaba siiyey talo aad u kooban, balse macno ballaadhan, taas oo uu madaxweyne Erdogan sheegay in ay tahay talada Xadiiska iyo Diinta ku cad ee uu Nebi Muxammed (SCW) siiyey inantiisii Faadumo markii ay is guursadeen Cali Ibn Abi Daalib (Alle ha ka raalli ahaado labadoodaba), Erdogan waxa uu yidhi, “Weligiin indhihiina ha kala duwina (Midowba kan kale ha ka indho la’lin), waayo sidaa ayaa uu jacaylkiinu ku siyaadayaa”

Xafladda meherka Sumaya Erdogan, oo si aad ah amniga loo ilaalinayey, dadka ka soo qaybgalayna lagu qiyaasay illaa 6 kun oo marti ah, ayaa aabaheed Rajab Dayib waxaa ku wehelinayey madaxweynihii hore ee dalkaas Cabdallah Gul, raysalwasaarihii dhowaan is casilay Axmed Daa’uud Oglo, guddoomiyaha Baarlamanka Turkiga, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Turkiga, raysalwasaaraha dalka Baakistaan, xubin ka tirsan golaha madaxtooyada ee Boosniya, raysalwasaarihii hore ee Lubnaan Sacad Al-Xariiri iyo masuuliyiin kale.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo ururiyey ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Sumaya Erdogan ay tahay inanta ugu yar afarta carruur ah ee uu dhalay madaxweyne Erdogan, waa 30 jir ka qalin jabisay kuliyadda dhaqaalaha ee London, kadibna waxbarasho sare ku soo qaadatay jaamacadda Indiana ee dalka Maraykanka, ninka guursadayna waxa uu shahaadada sare PhD ka qaatay jaamacadda Georgia ee dalka Maraykanka waxa aanu bartay farsamada sancaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas ooo uu imika madax ka yahay shirkad qoyskoodu leeyahay oo diyaaradahan samaysa.

Dadka xafladdan meherka Inanta Erdogan ka soo qaybgalay ayaa kaadhka casuumadda ee ay ku imanayeen loogu qoray ogeysiis lagaga codsanayo in aanay wax hadyad ah xitaa ubax u soo qaadan xafladdan, taas beddelkeedana lacagta ay hadyadda soo siin lahaayeen u soo qaataan goobta xafladdu ka dhacayso si ay ugaga qayb qaataan sanduuq tabarruc ah oo dadka baahan sadaqad loogaga dhex ururinayey munsaabadda meherka Sumaya Erdogaan.