50 Maalmood Oo Laga Joogo Go’aankii Xisbiga Waddani Uu Ku Dalbaday In La Kala Diro Guddiga Doorashada Iyo Khilaafka Oo Weli Halkiisii Taagan

25
2910

Hargeysa(Geeska)-Konton maalmood ayaa laga joogaa markii uu xisbiga Waddani ku dhawaaqay inuu kalsoonidii kala noqday guddiga doorashooyinka qaranka, iyagoo sheegay inaanay  kalsooni ku qabin doorasho dambe oo ay maamulaan xubnahan toddobada ahi.

Guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiga Waddani ayaa 22 March sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen guddiga doorashada iyagoo ku eedeeyay qaabkii ay guddigu u maamuleen doorashadii madaxtooyada ee November 2017, waxaanay ku baaqeen in guddigaas la kala diro si loo helo guddi doorasho oo lagu kalsoonyahay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiga UCID ayaa ku gacan saydhay xisbiga Waddani soo jeedintaas. Hase yeeshee ka sokow dhawaaqa xisbiga Waddani iyo jawaabta Madaxweyne Biixi iyo xisbiga UCID, ma jiro xal loo helay ismari-waaga xisbiga ugu sal balaadhan mucaaradka Somaliland iyo guddiga doorashada.

Dhinacyo ka baxsan xukuumadda iyo mucaaradka oo la sheegay inay isku dayeen xal u helista khilaafkan, ayay warar uu Geeska Afrika helay sheegeen inaanay weli helin wax daawo ah.

Madaxweyne Biixi ayay isna wararku sheegeen inkastoo ay dhinacyo kala duwani kala hadleen xal u helista khilaafkan, haddana inuu weli taaganyahay mawqifkiisii hore ee uu xisbiga Waddani ku gacan saydhay dalabkoodii. Xisbiga Waddani ayaa isna la sheegay inuu taaanyahay mawqifkii uu ku dalbaday in la kala diro guddiga doorashada.

Sidoo kalena ma jiro kulan rasmi ah oo dhex maray guddiga doorashada iyo xisbiga Waddani tan iyo intii ka dambaysay baaqaas ka dhanka ah guddiga doorashada.

Warar kale oo uu Geeska Afrika helay sheegay ayaa iyaguna tibaaxay in dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ay si dhow ula socdaan ismari-waagan, waxaanay aaminsanyihiin ahmiyada ay leedahay in dhammaan xisbiyada tartamayaa kalsooni ku wada qabaan guddiga doorashada. Diblomaasi u waramay Geeska Afrika oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego, ayaa sheegay inkastoo uu aaminsanyahay in la helo guddi doorasho oo lagu wada kalsoonyahay, haddana inaanu weli arkayn baahida loo qabo in dhammaan xubnaha guddiga doorashada la wada bedelo, wuxuuna intaas raaciyay in dalalka beesha caalamku ka walaacsanyihiin sii socoashada khilaafkan inaan weli xal loo helin.

Si kastaba ha ahaate, haddii uu sii socdo kala fogaanshaha xisbiga Waddani iyo guddiga doorashadu, waxa laga cabsi qabaa in is faham la’aantoodu wiiqi karto  dedaalka loogu jiro in doorashooyinka deegaanka iyo wakiiladu dalka ka qabsoomaan sannadka 2019, maadaama oo dhinacyadii ay doorashadu khusaysay aanay is kaashanayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here