5 Ka Mid Ah Hababka Ugu Fudud Ee Aad Ku Ogaan Karto Hibooyinka Alle Ku Siiyey Ee Kaa Qarsoon

0
1393

Hargeysa (Geeska)- Marka aad ogaato hibooyinka Alle ku siiyey ee kugu qarsoon, waxaa kuu suurtogelisay in aad si sida hore ka firfircoon oo ka karti badan uga qayb qaadato nolosha, waxa aanay u dhowdahayba in aad fahamto in noloshu ay ku qurux badan tahay in shaqada aad shaqo ka dhigato waxa aad hibada u leedahay si ay kuugu wada suurtogalaan risiq helid iyo farxad nololeed. Waxaa hubaal ah in qofka ay isu waafaqaan hibadiisa iyo shaqadiisu uu ku noolaanayo raaxo.

Inta badan dadku ma yaqaannaan hibadooda, in aanay aqoon waxaa ka sii xun in aanay xitaa isku hawlin in ay ogaadaan, iyada oo ay runtu tahay in aanu nolosha jirin qof aan hibo lahayni, sidaa awgeed ay ahayd in qof kastaa yaridiisii iyo xitaa weynidiisa mar uun ogaado hibadiisa, noloshuna ka dhammaato ama ku itaal darrayso isaga oo aan habeenna ku raaxaysan hibadiisa.

Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa habab uu qofku ku ogaan karo hibadiisa qarsoon.

Ku kalsoonoon kartidaada

Tallaabada koowaad ee qofku uu hibadiisa ku ogaan karaa waa in uu naftiisa ka dhaadhiciyo / ku qanciyo in uu Alle siiyey awood iyo karti uu waxyaabo badan ku qabsan karo. Weligaa ha rumaysan in farshaxanka, qoraalka fanka iyo suugaanta iyo ciyaaruhu ay yihiin hibada keliya ee jirta. Waxaa jira hibooyin badan oo ay ka mid yihiin cunto karinta iyo awoodda qofku u leeyahay xallinta mushkiladaha… Haa!, in mushkilad la xalliyo, oo loo xalliyo si caqli ku dhisan oo aanay khasaare dambe keenin, waa hibo aad u weyn oo nolosha ka mid ah.

Dadka kuu dhow la tasho

Tallaabada labaad ee muhiimka ahi waa in dadka kugu dhow ee saaxiibbo ehel ba ah aad weydiis hibooyinka iyo xirfadaha iyo shaqooyinka ay la tahay in aad aad ugu fiican tahay oo aa dhal-abuur ku leedahay. Sida oo kale adiga qudhaadu waa aad baadhi kartaa adiga oo ka eegaya shaqooyinka iyo mawduucyada marka aad qabanayso aad u qabato si ku raaxaysi iyo farxad leh, ama marka aad ka warramayso aad si xiise iyo farxad leh uga warranto.

Naftaada fahan oo warayso

Marka saddexaad waa in aad fahamto naftaada. Waa sax in aad dadka sida gaarka ah aad ugu xidhan tahay ee ehelka iyo asxaabta ah ka waraysato waxyaabaha ay la tahay in aad hibo u leedahay, laakiin kelidood ha ku qancin. Waxaa muhiim ah in aad adigu naftaada fahamto. Kelidaa fadhiiso oo aad u uga fikir waxyaabaha aad is leedahay hibo ayaad u leedahay iyo sababta aad isu leedahayba, xasuuso waxyaabo badan oo aad qaban karto, kadibna ka fikir sida aad u sii kala jeceshay ama ugu sii kala xiise badan tahay qabashadooda.

Qorshe qoran yeelo

Tallaabada afaraad ee ay tahay in aad u marto ogaanshiyaha hibadaadu waa in aad soo qaadato warqad iyo qalin, kadibna aad qorto hawlaha iyo xirfadaha kala duwan ee aad sida gaarka ah u jeceshay qabashadooda. Ka fikir in ay jiraan shaqooyin iyo xirfado aad isticmaasho marka ay hawlo adag iyo dhibaato kaa hortimaaddo si aad khasaare la’aan ugaga gudubto. Qor ujeedadaada nolosha iyo riyooyinka aad jeceshay in aad rumayso toban sano kadib. Jawaabahaas iyo qorshayaashaas oo aad si deggen oo maskax ku dhisan u samaysaa waxa ay kaa caawinayaan in aad garato hibada runta ah ee aad leedahay.

Ha Istaagin

Tallaabada shanaad ee ugu dambaysaa waa in aanad weligaa joogsan illaa aad gaadho hadafkaaga. Sidee ay kuugu suurtogeli kartaa in aad ogaato hibadaada, tusaale ahaan qoraalka haddii aanad tijaabinba in aad qalin soo qaadato oo aad wax qorto.

Albaab kasta waa in aad garaacdo oo aad tijaabiso waxa uu kaa qarinayo si aad aakhirka u hesho hibadaada qarsoon, kadibna ay kuugu suurtogasho in aad ku raaxaysato nolosha Alle kugu arsaaqay.