Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Dareenkii Uu Oday Saleban Kaga Falceliyay Heshiiskii Khaatumo

0
1648

Hargeysa(Geeska)-Cali Khaliif Galaydh ayaa ka jawaabay hadal dhawaan uu ku duray guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland wada hadaladii Somaliland iyo Khaatumo iyo hankiisa siyaasadeed. Saleban ayaa sheegay in heshiiskaas khaatumo iyo Somaliland uu yahay soo jeedin ee aanu ahayn heshiis rasmi ah.

Sida oo kale waxa uu CalI Khaliif uu u diray fariin adag madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Cabdiwali Gaas, waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyay HCTV, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya hadalka ka soo yeedhay gudoomiyaha golaha guurida Somaliland uu yidhi”Saleebaan Maxamuud Aadan waa gudoomiyaha golaha guurtida laakiin markii maamulka Somaliland iyo Khaatumo ayaa wada hadlaaya la yidhi baarlamaanku waa soo dhaweeyay, waanu ku raacay u malayn maayo war caynkaas oo kale ah in golaha guurtida laga sheegay, Cali Khaliif iyo Siilaanyana maaha waxa waxan ku heshiiyay maamul dhan oo Somaliland matala oo heshiiyo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ah gala ayuu madaxweynaha ama wasiir ka tirsani uu saxeexayay, markaas jid waa uu u leeyahay inuu yidhaahdo halamariyo, waanu ku amaanaynaa habka maamulkii Axmed Maxamed Maxamuud ay noogala shaqeeyeen, qodobka ugu horeeyaaa waa nabad waa lagu dagay oo salka ayaa dhulka lagu dhigay hawsha qabyo wali waa halkeedii Saleebaan Gaal waa reer Qurilugud meelo Sool iyo Sanaag ka mid ah ayaa ay falcalin ka timid, haddii guddoomiyihii golaha guurtidu uu sidaas leeyahay armaan loo dhamaynba oo waxii Khaatumo noo sheegaysay aanay wax badaniba ka jirin, waar waa ay ka jiraan.”

Cali Khaliif Galaydh waxa uu ka hadlay hankiisa siyaasadeed “Da’da waayadan cidina ma ogola, anigu da’ ayaan joogaa xilal badana waan soo qabtay ama Somaliya ayaan ka soo qabtay ama hawshan aan hadda gacanta ku hayo, waxa alle iyo waxaan rabo oo han siyaasadeed ah ama Somaliland ama Somaliya oo igu hadhay aniga ma jirto.”

Ugu danbayntii waxa uu Cali Khaliif digniin u diray maamul gobaleedka Puntland “inanka jooga magaalada Garoowe hadda waxa uu wadaa mashruuc ah aniga ayaa Xamar tagaaya oo Madashii u tagaaya aniga ayaa odhanaaya Khaatumo hadda taayada maaha waa Khaatumo uu isagu dhisi doono haloo ogolaado inay gobol noqoto, marti ugama nihin, nooma dilaal noqonaayo dadkani waxooda iyaga ayaa yaqaan ee tiisa ha ka taliyo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here